26.8 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Salaad Cali Jeelle oo la xertay beesha Daarood

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online ) – Salaad cali Jeele oo kamid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa ka hadlay Khilaafka ka dhashay natiijadii dhawaan kasoo baxday Shirka madashaah wadatashiga ee ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in natiijadii kasoo baxday shirkaasi ay tahay mid baadil ah oo aan Somalia ka dhaqan gali doonin.

Salaad Cali waxa uu sheegay in Madaxweyne Xassan Sheekh iyo Dowladiisu ay Somalia u horseedeyso burbur iyo tafaraaruq waxa uuna tilmaamay in xiliga lagu jiro Somalia aysan u baahneyn nidaamka 4.5.

Waxa uu sheegay in Xisbiyada Siyaasada dalka ay kasoo horjeedan nidaamka 4.5 oo uu sheegay inuu dhabarka ka riixaayo Xassan Sheekh, waxa uuna tilmaamay in Dowlada hadda jirta aysan ka talineynin masiirka Umadda Soomaaliyeed.

Salaad waxa uu sheegay inuu taageersan yahay diidmada Puntland ay ka muujineyso in Somalia laga dhaqan galiyo Nidaamka 4.5, waxa uuna cod dheer ku sheegay in nidaamkaasi lagu dulminaayo beelo badan oo aan hadda heysan xuquuqdii ay dalka ku lahaayen.

Madaxweynaha Somalia ayuu sheegay in dhaqan galinta nidaamkaasi uu la kaashanaayo Beesha Caalamka waxa uuna sheegay in aragtida noocaasi ah aysan ka dhaqan galeynin haddii Xassan Sheekh uu doonaayo inuu kusoo laabto xukunka dalka ay u furan tahay inuu adeegsado qaabab kale oo aan aheyn 4.5.

Salaad waxaa uu intaas ku daray in 4.5 ay doonayaan shaqsiyaad kooban oo isleh aad xildhibaano ku soo xulataan ka dibna ha idin doortaan, balse aragtidaas ay Soomaalidu fahan san tahay.

Sidoo kale, waxa uu Salaad weeraray madaxweyne Xassan Sheekh oo uu sheegay inuu 4.5 ku xalisanaayo baahidiisa gaarka ah taasina aysan ka aqbali doonin dadka jecel wanaaga.

Dhanka kale, waxa uu Salaad Cali soo jeediyay in Baarlamaanka Somalia uusan arrintaani u eegin dib usoo laabashadooda balse looga baahan yahay inay ka shaqeeyan rabitaanka Umadda Soomaaliyeed iyo kuwa xuquuqdooda la lunsaday.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News