26.3 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Salaadiinta Somaliland iyo SSC oo kulmay, si wadajir ahna ugu baaqay hal arrin

Bookmark
Bookmarked

Share

Jigjiga (Caasimada Online) – Madaxda dhaqanka ee Somaliland iyo SSC-Khaatumo ayaa ku kulmay xaflad caleemo-saar ah oo ka dhacday Deegaanka Soomaalida, halkaas oo ay si wadajir ah ugu jeediyeen baaq nabadeed oo ku wajahan labada dhinac ee uu khilaafku ka dhaxeeyo.

Garaad Jaamac Garaad Cali oo ah Garaadka Guud ee SSC-Khaatumo oo kulankaas ka hadlay ayaa wuxuu Suldaanka Guud ee Somaliland, Suldaan Daa’uud Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ugu baaqay inuu ka shaqeeyo nabadda.

Garaadku wuxuu si qoto dheer u muujiyey in wax kasta lagu xallin karo wada-hadal iyo isu-tanaasul. “Suldaan Daa’uudow, gurigaaga uma socdee, kaalay Soomaali u caddee in aadan gurigayga u socon. Waan kala nabad-galaynaa,” ayuu yiri Garaad Cali.

Dhiniciisa, Suldaan Daa’uud ayaa si degan uga jawaabay baaqa nabadeed ee ka yimid Garaadka, isaga oo sheegay in uusan marnaba doonayn in dhiig Soomaaliyeed uu ku daato colaado dhexdooda ah. “Waxaan halkan ka caddeynayaa in aanan guri dad Soomaaliyeed ku nool yahay ku socon. Garaad, aynu dadkeenna midaysanno,” ayuu yiri Suldaanka.

Labada hoggaan dhaqameed ayaa meesha isku gacan qaaday, taas oo astaan u ahayd is-faham, iyagoo midba midka kale u ballan-qaaday inuu gacan ka geysan doono dadaallada lagu horumarinayo nabadda. Waxa kale oo ay iska cafiyeen hadallo iyo eedo horey ay iskugu mariyeen warbaahinta ama dadweynaha hortooda.

Inkasta oo kulankoodu uu ahaa mid aan rasmi ahayn, haddana wuxuu xambaarsanaa farriin culus oo rajo leh. Is-dhexgalka noocan ah ayaa tusaale u noqon kara sida dhaqanka Soomaaliyeed ee salka ku haya is-xushmeynta iyo wada-hadalku uu fure ugu noqon karo xal u helidda khilaafaadka jira.

Colaadda u dhaxaysa labada dhinac ayaa weli si buuxda loo xallin, balse is-afgaradka bilowga ah ee ka muuqday kulankan ayaa noqon kara tallaabo hore loo qaaday. Haddii hoggaamiyeyaasha dhaqanku ay sii wadaan wada-hadallada iyo isu-soo dhowaanshaha, waxaa suuragal ah in xal waara la gaaro mustaqbalka dhow.

- Advertisement -

Read more

Local News