25.9 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Saldhigyada Mareykanka ee IRAN ay ka aargudan doonto kadib weerarkii Mareykanka

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Tehran (Caasimada Online) – Madaxweyne Donald Trump ayaa Sabtidii sheegay in ciidamada Maraykanka ay duqeeyeen saddex goobood oo ku yaalla Iiraan, talaabo si toos ah Mareykanka uga qeyb-gelienysa dadaalka Israel ee lagu doonayay in lagu curyaamiyo barnaamijka nukliyeerka ee dalkaas.

“Waxaan soo gabagabaynay weerar aad u guuleystay oo aan ku qaadnay saddexda goobood ee Nukliyeerka ee Iiraan, oo ay ku jiraan Fordow, Natanz, iyo Esfahan,” ayuu Trump ku yiri qoraal uu soo dhigay baraha bulshada.

Haddaba, halkan waxaan ku eegeynaa qaar ka mid ah saldhigyada iyo ciidamada Maraykanka ee gobolka ku sugan ee wajihi kara aargudasho.

Ciidamada Maraykanka ee wajahaya halista aargudashada

“Khasaaraha soo gaaraya Maraykanka wuxuu noqon doonaa mid aan laga soo kabsan karin haddii ay si milatari ah ugu lug yeeshaan iska hor imaadkan,” ayuu Hoggaamiyaha Sare ee Iiraan, Ayatollah Ali Khamenei, ku yiri baraha bulshada Arbacadii.

Tobannaan kun oo askari oo Maraykan ah ayaa ku sugan Bariga Dhexe.

Saldhigga Cirka ee Al-Asad, oo ah xarun Ciraaqi ah oo 150 mayl galbeed ka xigta Baqdaad, ayna si wadajir ah u maamulaan ciidamada cirka ee Ciraaq iyo Maraykanka, ayaa waxaa ku sugan kumanaan askari oo Maraykan ah, waana tirada ugu badan ee ciidamo Maraykan ah oo dalkaas ku sugan. Iiraan iyo maleeshiyooyinka ay taageerto ayaa sanadihii u dambeeyay si isdaba joog ah u weerarayay saldhiggaas.

Kadib markii Maraykanku uu bishii Jannaayo 2020 dilay Janaraalkii sare ee Iiraan, Qaasim Suleymaani, ayay Tehran 16 gantaal ku garaacday saldhigyo ay ciidamada Maraykanku ku leeyihiin Ciraaq.

Kow iyo toban ka mid ah gantaalladaas ayaa ku dhacay saldhigga Al-Asad, halkaasoo ay ku dhaawacmeen tobanaan askari oo Maraykan ah, waxayna qodeen godad waaweyn, iyadoo weerarkaas ay mas’uuliyiintu sheegeen in loogu talagalay in lagu dilo askarta. Sidoo kale, Iiraan waxay weerarkaas gantaallo ku garaacday saldhig milatari oo ku yaal magaalada Irbil ee waqooyiga Ciraaq, oo ka tirsan ismaamulka Kurdistan.

Maleeshiyooyinka Iiraan ay taageerto ayaa gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku weeraray saldhigga Al-Asad xitaa bishii Ogoosto.

Maamulka Trump ayaa bishan sheegay inuu dhimayo tirada ciidamada Maraykanka ee Suuriya ka jooga, isagoo ka soo raraya siddeed saldhig oo uu ku reebayo hal keliya: Tanf, oo ah saldhig istaraatiiji ah oo ku yaal koonfurta Suuriya, meel u dhow xuduudaha Ciraaq iyo Urdun. Si kastaba ha ahaatee, faahfaahinta jadwalka arrintan ayaa ah mid aan caddayn.

Weerar bishii Jannaayo 2024 lagu qaaday Tower 22, oo ah saldhig hor leh oo Maraykanku ku leeyahay Urdun, 12 maylna koonfur ka xiga Tanf, ayaa waxaa lagu dilay saddex askari oo Maraykan ah, waxaana ku dhaawacmay tobanaan kale. Wuxuuna ahaa weerarkii ugu khasaaraha badnaa ee ciidamada Maraykanka lagu qaado tan iyo burburkii Kabul ee 2021.

Saldhigyada waaweyn ee ciidamada Maraykanka ee Khaliijka waxaa ka mid ah Saldhigga Taageerada Badda ee Baxrayn (Naval Support Activity Bahrain), oo ah xarunta Ciidanka 5-aad ee Badda Maraykanka (U.S. 5th Fleet) ayna ku sugan yihiin ilaa 8,300 oo askari oo Maraykan ah.

Dhanka kale, waxaa jira Saldhigga Cirka ee Al-Udeid ee dalka Qatar, oo ah kan martigeliya ciidanka ugu badan ee Maraykanka ee Bariga Dhexe. Al-Udeid, oo 20 mayl koonfur-galbeed ka xiga Doha, waa xarun talis oo hor leh oo ay leedahay Taliska Dhexe ee Maraykanka (U.S. Central Command), waxaana degi kara in ka badan 10,000 oo askari.

Goobaha kale ee Khaliijka ee ay ciidamada Maraykanku ku sugan yihiin waxaa ka mid ah xerada Camp Buehring iyo Saldhigga Cirka ee Ali al-Salem ee Kuweyt, iyo sidoo kale Saldhigga Cirka ee al-Dhafra ee Imaaraadka Carabta, oo hoy u ah Guutada 380-aad ee Hawlgallada Cirka (380th Air Expeditionary Wing).

Saraakiil Iiraaniyiin ah ayaa toddobaadkan u digay dalka Qatar, iyagoo sheegay in saldhigyada Maraykanka ee Khaliijka ay noqon doonaan bartilmaameed sharci ah haddii Maraykanku weerar qaado, sida uu sheegay sarkaal Yurub ah oo warbixintan laga siiyay, kaasoo codsaday inaan magaciisa la sheegin sababo la xiriira xogta xasaasiga ah.

Si kastaba, ma cadda haddii weerarka laga qaaday qaar ka mid ah saldhigyada ku yaalla dalalka Carabta.

Sidoo kale, safaaradaha Maraykanka iyo xarumaha diblomaasiyadeed ee gobolka ayaa iyagana bartilmaameed noqon kara. Maraykanka ayaa shaqaale iyo qoysaskooda ka daadgureeyay xarumihiisa Ciraaq iyo Israa’iil.

Maleeshiyooyinka ay Tehran maalgeliso ayaa sidoo kale hanjabaad ku noqon kara shaqaalaha iyo danaha Maraykanka ee gobolka.

“Qorshayaal hawlgal ayaa loo diyaariyay ujeedadaas,” ayuu yiri Abu Ali al-Askari, oo ah sarkaal amni oo ka tirsan maleeshiyada Shiicada ah ee Kataa’ib Xisbullah oo Ciraaq fadhigeedu yahay Iiraanna ay taageerto, isagoo sii raaciyay Khamiistii: “Shaki kuma jiro in saldhigyada Maraykanka ee gobolka oo dhan ay noqon doonaan goobo ugaarsi… iska daa waxyaabaha lama filaanka ah ee diyaaradahooda cirka kaga imaan kara.”

Markii la weydiiyay diyaar garowga looga hortagayo aargudasho kasta oo Iiraan ka timaada, ayuu xafiiska saxaafadda ee Wasaaradda Difaaca (Pentagon) wargeyska The Washington Post u gudbiyay bayaan uu Isniintii soo saaray Wasiirka Difaaca Pete Hegseth, kaasoo ku dhawaaqay “in awoodo dheeri ah loo daabulayo” Bariga Dhexe.

“Ilaalinta ciidamadeena Maraykanka ayaa ah mudnaantayada koowaad, daabulidanna waxaa looga gol leeyahay in lagu xoojiyo habkayaga difaaca ee gobolka,” ayuu Hegseth ku qoray bartiisa X.

“Ciidamada Maraykanku waxay ku jiraan heegankoodii difaaca, taasina isma beddelin,” ayuu Afhayeenka Pentagon, Sean Parnell, ku yiri bayaan uu Isniintii soo saaray, kaasoo xafiiska saxaafadda ee Pentagon uu sidoo kale tilmaamay.

Shirkadaha diyaaradaha ee Air France iyo KLM ayaa kansalay duulimaadyadii ka imaanayay kuna socday Garoonka Caalamiga ah ee Dubai Arbacadii. Xafiiska saxaafadda ee Air France ayaa sabab uga dhigay “xaaladda amniga ee gobolka,” mana aysan sheegin goorta duulimaadyadu dib u bilaaban doonaan.

Iiraan ma weerari kartaa Maraykanka?

Inkastoo Iiraan ay haysato gantaallo kala duwan oo nooca Ballistic iyo Cruise ah, haddana midkoodna kama mid ah hubkeeda, xitaa kuwa la horumarinayo, kuma dhowaan karo inuu gaaro Maraykanka, sida uu sheegay mashruuca difaaca gantaallada ee Xarunta Daraasaadka Istaraatiijiyadeed iyo Caalamiga ah (Center for Strategic and International Studies).

Ciidanka Cirka ee Iiraan ma laha awood ay ku gaaraan Maraykanka. Taasina waa sababta aargudashada lagu beegsanayo ciidamada gobolka ku sugan ay tahay tan ugu weyn ee Maraykanku ka walaacsan yahay.

- Advertisement -

Read more

Local News