Sanator kashifay inay Saudi Arabia dhaqaale xoogan ku bixiso kooxaha xagjirka

Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Rand Paul oo ka tirsan Senetarada Jamhuuriga ee dalka Mareykanka, ayaa shaaca ka qaaday in dowlada Sacuudiga ay si rasmi ah ugu sifowday garabsiinta argagixisada.

Senator Rand Paul, ayaa hadalkan sheegay mar uu ka hadlaayey isku soo baxa montana ayaa waxa uu tilmaamay inay jiran cadeymo muuqda oo ay u hayan in dowlada Sacuudiga ay dhaqdhaaqe iyo maskaxba ku bixiso argagixisada, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu Senator Rand Paul tusaalo usoo  qaatay dhacdooyinka Sacuudiga ee Yemen isagoo carab dhabay inay jirto wada shaqeyn hoose oo ay la leeyihiin Kooxaha argagixisada ay kula jiran dagaalka.

Dagaalka Sacuudiga ee Yemen, ayuu sheegay inuu yahay mid mala awaal ah oo aan waxba ka jirin, balse ay xaqiiqdu tahay in Sacuudiga uu Yemen ku dhex barbaarinayo argagixisada.

Senator Rand Paul, waxa uu intaa raaciyay in Sacuudiga xitaa uusan garankarin sababta ay ku laayen 15,000 ruux ee ku geeriyootay kumanaan kalana ay ku dhaawacmen duqeymaha iyo dagaalada ka socda Yemen.

Nuqul kamid ah haddalka Senator Rand Paul ayaa ahaa “Marka hore waa in aan si foojigan u eegnaa tilaabooyinka sharci darada ah oo ay Sacuudiga qaadeyso, dagaalo dhiig fara badan ku daatay ayey si muuqata ugu lug yeesheen ama abuureen mana jirto cid ka hadashay”

“Waa inaan is weydiinaa cida lagu leynaayo dagaalka, ma dhacdo inay laayan cadowga balse waxa ay laayan keliya shacabka, taasi waxa ay noo muujineysaa tuhunka jira”

Sidoo kale, Senator Rand Paul waxa uu sheegay in Mareykanka France iyo Boqortooyadda Ingriiska ay hub ay ka iibiyaan Sacuudiga hubkaasina ay ku abuuraan dagaallo hor leh oo aan loo baahneyn.

Dowladaha awooda leh ayuu ugu baaqay inay soo saaran kiiska taakuleynta argagixisada oo ay wado dowlada Sacuudiga, waxa uuna ku nuux-nuuxsaday inay halis tahay in indhaha laga fiirsado.

Si kastaba ha ahaatee, waxa uu tuhunka Senator Rand Paul kusoo aadayaa iyadoo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu sheegay in Sacuudiga uu yahay saaxiib wanaagsan oo uu Mareykanku leeyahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com