ETHIOPIA oo si rasmi ah u sheegtay xiliga Soomaalida iyo Afrikanka kale ay dalkaas gali karan Visa la’aanta

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Ethiopia ayaa shaaca ka qaaday in dhawaan ay si rasmi ah u bilaabi doonto galista dalkeeda fiiso la’aan.

Dowladu waxa ay sheegtay in fursadaasi ay tahay keliya mid ay heli doonaan muwaadiniinta kasoo jeeda Qaarada Africa oo ay ku jiraan Soomaalida.

Waxa ay dowladu ku dhawaaqday in si rasmi ah ay u bilaabi doonto 9-ka bisha November ee sanadkan dhammaan dadyowga Afrikanka ah ee booqanaya Ethiopia aan laga dooneynin wax fiiso ah ay bannaanka ka soo qaatan.

Madaxweynihii Ethiopia ee xilka ka degay Dr Mulatu Teshome ayaa horay u sheegay in dowladda Ethiopia ay ku dhawaaqayso xiliga sida ugu dhaqsiyaha badan loo bilaabi doono howlaha isku socodka dalalka Geeska Afrika.

Dowlada cusub ay hoggaamineyso Haweeneyda ayaa mar kale ku dhawaaqday in 9-ka bisha November ay bilaaban doonto galista Ethiopia iyadoo aan la qaadan wax Fiiso dal ku gal ah.

Sidoo kale, muwaadiniinta qaarada Africa ayaa hadda ka hor fiisaha dal ku galka ah ka qaadan jiray Safaaradaha Ethiopia ay ku leedahay oo waddamadooda.

Talaabadan ayaa waxaa si weyn uga faa’iideysan doona Soomaalida oo markii hore silac baahsan ku qabay u safrida dalka Ethiopia.

Caasimada Online
Xafiiska Addis-Ababa
Caasimada@live.com