XOG: Sababta uu wasiirka arrimaha dibedda Turkiga ugu gacan seeray shirkii ka dhacay Muqdisho shalay

Ankara (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa ka baaqday shirkii shalay sabtidii ka dhacay Muqdisho ee ay yeesheen kooxda xiriirka Soomaaliya ee ururka iskaashiga Islaamka(OIC)  sabab lagu sheegay inuu ka dhiidhiyey warqaddii ay xukuumadda Soomaaliya ku taageertay Sacuudiga ee dilka saxafiga Jamal Khashoggi .

Ilo sare oo ka tirsan dowladda Turkiga ayaa  xaqiijiyey  in wasiir Mevlut Cavusoglu uu marka hore aqbalay ka soo qeyb-galka shirka balse markii xukuumadda Kheyre ay taageertay Sacuudiga uu ka laabtay go’aankii imaatinka Muqdisho.

 

Warqad soo baxday October 15, 2018, loona diray xogheynta ururka Iskaashiga Islaamka ee Jeddah iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya  waxaa ku qorneyd in wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga Mevlut Cavusoglu  uu  tagayo shirka Muqdisho ee October 27, 2018.

Go’aanka wasiirka Turkiga waxaa uu beeninayaa hadalka Wasiirka arrimaha Dibada ee Dawladda Federaalka Axmed Ciise Cawad kaas oo shalay sheegay inuu Mevlut Cavusoglu  u baaqday sabab la xiriirta shir ku saabsan Suuriya, uu isaga shir guddoominayey.

October 15, 2018, xukuumadda Kheyre ah ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay iney diideyso in dhib la gaarsiiyo Sacuudiga, Qoraalkan oo koobnaa waxaa uu u qornaa sidan: Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay markale ku celinaysaa mowqifkeeda sugan ee taageeraya degganaanshaha iyo qarannimada dalalka Carabta, waxayna ku dhawaaqeysaa garab istaaggeeda dhammeystiran ee dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee aanu walaalaha nahay, kana soo horjeedno cid kasta oo isku dayeysa inay dhib gaarsiiso ama wax u dhinto kaalinteeda iyo danaheeda dhaqaale.

Waxaana lagu soo gabagabeeyey “Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay adkeyneysaa laga maarmaanshaha in laga fogaado dhagar iyo olole ujeeddooyin kale leh oo lagu hagardaamaynayo Boqortooyada Sucuudi Carabiya”.

Caasimada Online
Xafiiska Istanbul 
Caasimada@live.com