25.6 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Sannad kadib XASAN Sheekh maxaa u qabsoomay? (Ka dhiibo Aragtidaada)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online) Sannad ayaa laga joogaa maanta markii Iskuul boloosiyo oo ah dugsiga tabbabarka ciidanka bilayska ee ku yaalla degmada Xamar-Jajab ee magaalada Muqdisho lagu doortay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Dad badan oo Soomaali ah, waxa ay aaminsan yihiin maanta in madaxweynaha rajdada la lahaa markii la doortay iyo maanta ay kala fog yihiin, dowladiisana ay ku guul dareesatay wax badan oo ay ugu horeyso ammaanka.

Si kastaba, madaxweynaha habeenkii la doortay wuxuu sheegay in uu soo dhisi doono dowlad sal u ah lix tiir.

Waxaana qoddobada uu madaxweyne Xasan Sheekh uu sheegay habeenkaas ka mid ahaa, Ammaanka oo ku celceliyay iyo dhaqaalaha.

Dad badan waxa ay lee yihiin aqoonsi laga helo caalamka waxaa aad uga wanaagsanaan lahayd dowladda oo xiriirka arrimaha gudaha adkeeysa iyo ammaanka oo xoogga la saaro.

Haddaba akhristayaasha sharrafta leh ee xiran Shabakadda Caasimada Online, waxaan weydiineynaa .

1-Maxaa sannad kaddib madaxweyne Xasan Sheekh dowladiisa u qabsoomay?

2- Maxaa dhaliil ah oo ay lee dahay?

3-Maxaa ammaan ah oo loo hayaa.

4- Maxaa qalad ah oo ay sameesay?

Jawaabtaada iyadoo asluubeesan ku qor qeybta hoose ee aragtida adiga oo isticmaalaya facebook-gaaga. Mahadsanid

FG: Ogow haddii aad caytanto waan tiri doonnaa.Mahadsanid

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News