Somaliland oo Aqoonsi Dowladnimo ka dooneysa Imaraadka Carabta

Muqdisho (Caasimada online) Wasiirka arimaha dibada Maamulka Soomaaliland oo Booqosho ku jooga dalka isku taga imaaradka carabta ayaa halkaasi wuxuu kulan kula qaatay Madax ka tirsan dowlada dalkaas iyagoona ka wada hadlay rimo dhowr ah , kuwaasoo qaar kod u muuqday kuwo Maamulka Soomaaliland uu aqoonsi kaga radinayo Imaaraadka Carabta.

Maxamed Biixi Yoonis Wasiirka arimaha dibadda Maamulka Soomaaliland ayaa la kulmay Kaaliyaha wasiirka arimaha dibada iyo arimaha amaanka dalka Istaga Imaaradka Carabta Faris Al Mazrouei, ayaa waxay ka wada hadleen xaalada guud ee dalka Soomaaliya gaar ahaan taageero uu dalkaasi wasiirka ugu Raadiyo Soomaaliland oo sheegatay inay tahay dalka Soomaaliya ka madax banana.

Waxay labadani Mas’uul si gaar ah uga hadleen arimaha burcad badeeda Soomaalida oo Qatar ku ah sida ay sheegeen amaanka xeebaha Soomaaliya iyo kuwa ka baxsan iyo iyo kulamadii ugu danbeeyay ay wada qaateen Madaxda Soomaaliya iyo Maamulka Soomaaliland.

“Kan waa safarkeygii ugu horeeyay aan ku imid Imaaradka Carabta,guul ayaana rajeynayaa ayuu yiri ,r Yoonis.

Wuxuu sidoo kale hoosta ka xariiqay wasiirka arimaha dibada Maamulka la magac baxay Soomaaliland inay isla soo hadal qaadeen arimaha Nabad galyada Soomaaliya,isagoona cadeeyay inuu rajeeynayo waqtiga in dhow inay Nabad  dhexmarto Soomaaliya iyo Soomaaliland.

“Kulankii ugu danbeeyay,Mudo 20-sano ka dib wada hadalada inoo dhaxeeyo inaga iyo Walaalaheen Soomaaliya waxay u socdaan si nidaamsan oo jawi degan ah Laakiin Sharuudi kaliya waa inaan gaarnaa gooni isku taageena”,ayuu yiri Mohammed Behi Younis.

Wuxuu tilmaamay in Wadanka isku taga imaaradka Carabta Soomaaliland xiriirkooda uu ahaa mid soo jireen ah,isagoona balan qaaday Mas’uulkaan in meesha ay ka sii wadi doonaan.

The National oo hadalkaan wax ka qoray ayaa sheegaya in Soomaalilan iminka dadaalkii ugu danbeeyay ay ugu sidii Ictiraaf ugu heli lahayd Barnaamijkeeda Gooni u goosadka laakiin arintaasi ayaa u muuqan Mid Soomaaliya inteeda kale aan u cuntameyn.

Soomaaliland aya mar walibasheegta inay tahay dowlad ka madax banan Soomaaliya inteeda kale  iyadoona sheegtay inay Soomaaliya ka ga go’day 1991 Xilligas oo uu bur bur ku yimid dowladii dhexe ee dalka , waxase xusid Mudan inay jiran wada hadalo u socda dowlada Soomaaliya iyo Maamulkaas.

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com