XIISAD DAGAAL OO KA TAAGAN NO.50

Muqdisho (Caasimada Online)- Xiisad dagaal oo u dhaxeysa dhinacyadii ku dagaalamay deegaanka No.50 ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa saaka ka taagan deegaankaasi, waxaana ay ka dambeysay kadib markii ciidamadii halkaasi maamulayay laga saaray deegaanka.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in xiisada ay ka jirta deegaanka, iyadoo mararka qaar la maqlaya dhawaqa rasaas googoos ah, waxaana jirta baqdin laga qabo in dagaal markale deegaanka maanta uu ka dhaco.

Qaar kamid ah dadkii kasoo barakacay dagaalkii shalay iyo xiisadii kahoreysay ayaa soo gaaray magaalada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana ay sheegeen in labada dhinac ay is hor fadhiyaan.

Xaalada KM-50 ayaan caga badan ku fadhin, waxaana suuragal ah in saacad waliba uu dagaal ka qarxo halkaasi, maadaama ciidamadii qabsaday deegaanka ay weli ku sugan yihiin Magaalada, halka dhinacii kale ee laga saaray KM-50 ay abaabul ciidan ka wadaan duleedka KM-50.

Ciidamada labada beelood ayaa marar badanku dagaalamay deegaanada gobolkaasi, waxaana ay ugu dambeyn dhalisay in ciidamada beesha Habar Gedir ay gaaraan degmada Marko ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose.

Odayaasha labada dhinac kasoo kala jeeda ayaa eedeymo kala duwan ka jeedinaya Warbaahinta, waxaana gabi ahaanba ay eedeynayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com