Saraakiil dembiyo ka soo galay gobolka Soomaalida Itoobiya oo baasabooro Soomaali ah ku baxsanaya

Muqdisho (Caasimada Online) – In ka badan 50 sarkaal oo ka tirsanaa maamulkii la riday ee dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia ayaa Muqdisho uga dhoofay baasaboorro Soomaali ah, oo uu u sameeyay taliyaha waaxda Jinsiyadaha iyo Socdaalka dowladda Soomaaliya Maxamed Aadan Koofi.

Saraakiishan baxsadka ah ayaa ku wajahan dalka Turkiga, si ay ugu tahriibaan dalalka Yurubta bari, iyaga oo ka walwal qaba in ay gacanta u galaan maamulka xusub ee Kilinka oo ku daba jooga siyaasiyiintii ku dhowaa madaxweynihii hore.

Qorshahan lagu daabulayo saraakiisha dembiyada ka soo galay Ogadeeniya oo ay lacag badan ku baxeyso ayaa waxaa si wada jir ah u fulinaya taliyaha waaxda socdaalka iyo Jinsiyadaha gaashaanle dhexe Maxamed Aaden Koofi oo qaabilsan inuu baasaboorro degdeg ah oo isugu jira nuuca shaqaalaha (Service) iyo nuuca shacabkaba u soo saaro, halka milkiilaha Telefeshinka Universal TV Axmed Abuubakar uu qaalbilsan yahay xiriirka saraakiishan iyo sidii ay Muqdisho ku soo gaari lahaayeen.

Axmed Abuubakar ayaa aad ay isugu dhowaayeen madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Iley, oo uu dhinaca warbaahinta kala talin jiray, waxaana la sheegay inuu yahay ninka isku xiray Koofi iyo saraakiisha baxsadka ah.

Cabdi Iley ayaa iminka lagu maxkamadeynayaa dalka Itoobiya, waxaana sidoo kale arrintaas oo kala wajahaya xubno badan oo isaga ku dhowaa oo la haysto dambiyo ay ka galeen shacabka gobolka Soomaalida.

Shabakadda Caasimada Online ayaa ogaatay in saraakiishan la soo marsiiyo dalka Jabuuti, kadibna laga soo dajiyo Garoonka Muqdisho.

Saraakiishan oo ay baadi goobayaan sirdoonka Itoobiya iyo kan Soomaaliya ayaa qaar kamid ah xilligan waxa ay ku sugan yihiin guri weyn ee laga kireeyey Waqooyiga magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Baasaboorada service-ka ah ee loo sameeyo saraakiishan ayaa looga qaataa lacag kumanaan dollar ah, waxaana sida ay dad xog ogaal ah u sheegeen Caasimada Online ay macaash badan u noqotay Koofi.

Madaxda sare ee dowladda Soomaaliya sida madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ayaa la sheegay inaysan waxba kala socon arrintan, oo ay ku gaar tahay Koofi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com