Saraakiisha DF ee Jubbooyinka: “Waxaan ka cabaneynaa hal arrin”

Saraakiisha Dowlada Soomaaliya ee gobolada Jubooyinka ayaa ka cowday Mushaar la’aanta haysata Ciidamada Xooga dalka ee ku sugan halkaas.

Taliyaha Ciidamada Dowlada Soomaaliya Cismaaciil Saxardiid oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inaysan helin Mudo dheer gunadii ay heli jireen haatana xaalkooda uu liito.

Waxuu Sheegay Cismaaciil Saxardiid in Ciidamada Jubooyinka ay dagaal adag ku jiraan ayna naftooda habeen iyo Maalin ku difaacaan waxaa uu ugu yeeray Argagixiso Caalami ah.

Mudo Sideed Bilood ayuu sheegay in wax mushaar ah la siin Ciidamada Jubooyin ka dagaalaya ,Isagoona intaa raaciyay in sahaydi ay ka go’aday xitaa oo Ciidamada Kenya ay keeneen Kismaayo oo wax ay la qaybsanayeen.

Ugu dambayn waxaa kale oo uu dowlada ka dalbaday Mr Saxardiid in gawaarida ay ku dagaalayaan laga badalo maadaama ay bur bureen oo cid u dayactiraysana aysan jirin.