Saraakiisha iyo Ciidamada Dowlada oo ballantii uga baxay madaxweynaha.

Saraakiisha iyo Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa waxaa ay dhulka la galeen balantii Madaxwaynaha Soomaaliya uu la galay ka hor inta uusaan Soomaali ka tagin.

Madaxwayne Xasan sheekh ayaa inta uusan u bixin safarka uu haatan ku joogo wadamada dariska la ah Soomaaliya ayaa waxaa uu isaugu yeeray Saraakiisha ciidamada dowlada oo uu kula dar darmaay arimo badan.

Xasan Sheekh Waxaa uu saraakiisha dowlada u sheegay inay joojiyaan lacagta boojada ah ama Tan isbaarada laga qaado islamarkaana la qaado Isbaarooyinka yaala Muqdisho oo dhan.

Waxaa uu Madaxwaynaha wax aan loo dul qaadan Karin ku tilmaamay in Isbaarooyin lacago jeebka u gaar ah ciidamada ay qaadan waxaana uu ka soo saaray wareegta ah  inaan Isbaarooyinka wax lacag ah dadka loo qaadi Karin waxaana shaqadaas iska leh ayuu yiri Wasaarada Maaliyada.

Laakiin markii uu Madaxwaynaha tagay waxaa halkeeda ka bilowday lacagihii baada waxaana meelaha ay ka socota kamid ah lacagaha baada degmooyinka Hodan, Dherkenley, Madiina, Yaaqshid, Heliwaa, Kaaraan, Boondheere, Shibis iyo degmooyin kale.

Dadka Shacabka ayaa qaati ka taagan lacagaha baada ee laga qaado iyadoo madaxwaynaha uu ka digay laakiin warkiisa dhulka lagama qaadin.