Maraakiib Dagaal oo duqayn ka gaystay gudaha Somalia.

Faah faahin ayaa ka soo baxaysa Maraakiib dagaal oo duqaymo ka gaystay Gobolka Mudug.

Maraakiibtaan ilaalaada ka haya Xeebaha Soomaaliya ayaa waxaa ay weerar gantaalo ah ay ku qaadeen degmada Hobyo oo kooxaha burcad badeeda salka u ah.

Weerarka ayaa waxaa uu yimid kadib markii ay burcad badeeda rabeen in ay qafashaan markabka ilaalo kahayay xeebaha gobolka Mudug.

Ilaa iyo Sadax gantaal ayay Ciidamada Midowga Yurub ku garaaceen degmada Hobyo waxaana ay ku dhaceen labo gantaal oo kamid ah bartamaha magaalada.

Ciidamadan joogan xeebta Hobyo ayaa waxaa ay dagaal kula jiraan kooxaha Burcad badeeda ee jooga Hobyo.

Lama Xaqiijin ilaa iyo hada waxyeelada ay gaysatay Madaafiica halkaas lagu weeraray waxaana ay cabsi ku beertay duqayta maraakiibta dadka kunool Hobyo oo saakay hadalhaya.