Maxaa maanta la isla dhex marayaa suuqa kala iibsiga?

Wararka Xanta Tooska ah.

Darren Bent , oo 28-jir ah, ayaa ku dhow inuu Janaayo si amaah ah ugu biiro Liverpool ka dib markii ay isku dheceen tababaraha Aston Villa Paul Lambert kulankii ay garoonkooda barbaraha kula galeen Arsenal (Metro)

Tababaraha kooxda Manchester United Sir Alex Ferguson ayaa diirada saaraya inuu 15 milyan kusoo xero gelsho ciyaaryahanka daafaca bidix uga ciyaara Everton Leighton Baines, oo 27-jir ah, ka dib isagoo aan isku deyi doonin inuu lasoo saxiixdo 31-jirka dambeedka bidix uga ciyaara Chelsea Ashley Cole (Daily Mail)

AC Milan ayaa rajo ka qabta inay United ku garaacdo saxiixa kubad qaabeeyaha kooxda Inter Milan Wesley Sneijder oo 28-jir ah (Talksport)

Chelsea ayaa isku diyaarineysa inay gacanta kusoo dhigto weeraryahanka Liverpool Luis Suarez, oo 25-jir ah, waxaana xidigaan lagu daray qorshaha suuqa ee Stamford Bridge (Daily Express)

Wararka Xanta ah ee kale.

20-jirka qadka dhexe uga ciyaara Arsenal Jack Wilshere ayaa laga dalbaday qandaraas cusub tababare Arsene Wenger ayaana isku diyaarinaya inuu xidigaan u xiro calaamada kabtanimada Gunners (Daily Mail)

30-jirka goolka u qabta Chelsea Petr Cech ayaa u sheegay asxaabtiisa ay isku kooxda yihiin inay la qabsadaan nolosha tababaraha cusub ee Blues Rafael Benitez ama ay kooxda isaga tagaan (Talksport)

Ma jeceshahay inaad maalin walba la socoto wararka xanta ah ee Suuqyada Ingiriiska Naga soo booqo www.caasimada.net, Isha wararka sugan.

Waxaa Diyaariyey: Ahmed Jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Caasimada — Somalia.