Tobankii saxiix ee 2012 ugu xumaa Barclays Premier League.

Tobankaan saxiix ee sanadkaan ugu xumaa Horyaalka Ingiriiska ayaan soo qaadaneynaa inagoo shalay soo qaadanay Tobankii saxiix ee ugu fiicnaa.

1. Michael Owen (Stoke City)

Wuxuu heystay waayo xornima leh, iyadoo uu Michael Owen aadi karay meel banaanka ka ah Engalnd, si kastaba, wuxuu ku biiray Stoke City. Waxaana laga filaayey weeraryahankii hore ee Liverpool inuu aado meel uu Horyaal kale ku qaadi karo ka dib markii uu ka tegay Manchester United dhamaadkii sanadkii hore.

32-jirkaan markii uu ku biiray Potters ilaa haatan kuma yeelan wax saameyn ah.

2. Rob Green (QPR)

Rob Green ayaa kusoo dhaqaaqay kooxda ka dhisan London Queens Park Rangers balse 32-jirkaani wuxuu iska beer dareeyey fursad uu kula biiri lahaa West Ham oo aad u raadineysay.

Gool hayihii hore ee xulka England ayaa ku biiray waayihii mashaqeysnaa ee Mark Hughes kamana uusan biyo dhalin. Taasoo keentay inuu booskiisa u waayo gool haye Julio Cesar.

3. Scott Sinclair (Man City)

Scott Sinclair ayaa digniin ka heystay mid ka mid ah ciyaartoydii da’yarka ahaa ee isaga tegay Manchester City ka dib markii uu boos ka waayey.

Xidiga garabka ka ciyaara Adam Johnson ayaa kula taliyey da’yarka dalka England inaysan ku biirin Man City wuxuuna ku sheegay inay qalad u bareerayaan hadii ay ku biiraan. Sinclair ayaana dhegaha ka forestay warkaas wuxuuna 6.8 milyan oo ginni ugu dhaqaaqay Kooxda heysata Horyaalka Ingiriiska markaasoo laga soo gatay Swansea.

Si kastaba, wuxuu haatan deris la yahay kursiga keydka ee Sky Blue, 23-jiraan ayaa sidoo kale booska waxaa ka qabsaday David Silva iyo Samir Nasri.

4. Fabio Borini (Liverpool)

Markii aad heysato laba weeraryahan, waxaa muhim ah inay caafimaad qabaan. Balse tababaraha Liverpool Brendan Rodgers sidaasi kama uusan helin Fabio Borini, waxaana ninka reer Talyaani la degay dhaawac  cagta hoosteeda ah oo uu afar bilood la maqnaanayo.

11.7 milyan oo looga soo gatay Rome weli waxay u muuqataa inuusan baahi tiring Jamaahiirta Anfield oo haatan goolasha ka suga Luis Suarez.

5. Maya Yoshida (Southampton)

Daafaca dalka Japan ayaa xagaagii ku sugnaa St Mary oo uu kaga soo biiray VVV-Venlo, markii uu kusoo biiray Premier League waxaa loo heystay nin aan la dheyelsan Karin.

Yoshida ayeyse ku adkaatay la qabsashada Horyaalka Ingiriiska, 24 jirkaan ayaana booskiisa u waayey Nigel Adkins kaasoo waayo la yaab leh ka dhigaaya kooxda.

6. Andy Carroll (West Ham)

Qofna ma dhihin wuxuu ku biirayaa West Ham laakiin kooxdu waa ay dooneysay waxayna kasoo kexeysatay Liverpool. Carroll oo 35 milyan Reds kala soo wareegtay New Castle ayey qasab ku noqotay inay amaah ku baxshaan, 23-jiraan ayaase ku dhibaatoonayey goolka hortiisa.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Engalnd 14 saacadood ayuu u qatimay inuu gool u dhaliyo Hummers, si kastaba ugu dambeyn wuxuu shabaqa kasoo taabtay Tottenham kulankii Upton Park.

7. Jack Rodwell (Manchester City)

Jack Rodwell ayaa lagu qiyaasayey mid ka mid ah ciyaartoyda da’yarka ah ee jiilkaan usoo baxay Dalka England. Laakiin 21-jirkaan ayaa u dhaqaaqay kooxda aan da’yarka daneyn ee Roberto Mancini ka dib markii ay Sky Blue Nigel de Jong ka iibisay AC Milan.

Ka dib markii uu kooxda kasoo dhex dhalaali waayey waxay doonatay Daniele De Rossi, xidigii hore ee Everton Rodwell ayaana u muuqda mid aan boos uga banaaneyn Etihad Stadium.

8. Junior Hoilett (QPR)

Junior Hoilett ayaa  intii lagu jiray xagaaga usoo dhaqaaqay QPR mana uusan muujin wax soo jiidasho leh intii uu kasoo wareegay Ewood Park.weeraryahanka kooxda Loftus Road ayaa looga fadhiyaa waayo horumar leh laakiin ma aysan ka muuqan waayadii Hughes, balse waa in isha lagu haayaa waxa uu qabto isagoo ka hoos ciyaaraya Harry Redknapp.

9. Alexander Buttner (Manchester United)

Waxay Manchester United u heysatay inay lasoo wareegtay ciyaaryahankii dadabka bidix ugu fiicnaa Horyaalka Eredivisie kalsooni ayeyna ku qabeen taageerayaashoodu. Balse Buttner, oo 23-jir ah ayaa la tacaalaya inuu boos joogta ah ka helo United.

Xilli Partice Evra aad loogu qadariyo booskiisa daafaca bidix waxaa la is weydiinayaa sababta uu daafacaani ugu soo biiray markii horeba Red Devils

10. Clint Dempsey (Tottenham)

Clint Dempsey ayaa aad uga dhex muuqan kooxdiisa Tottenham weeraryahanka Mareykanka ayaa 6 milyan kula soo biiray daqiiqadihii suuqa ugu dambeeyey, wuuxuuna iska qasaariyey fursad uu kula biiri lahaa Liverpool.

Inkatoo uu goolal u dhaliyey kooxdiisa hadana 29 jirkaani kama soo bixin booskii ay ka fileysay Spurs.

Yaa ka maqan ayaad is leedahay Liiskaan Ciyaartoydii ugu xumaa ee 2012 lagula kala wareegay suuqa kala iibsiga England? Inoo sheeg Fikirkaaga.

Waxaa Diyaariyey: Ahmed Jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Caasimada — Somalia.