Sarkaal ka tirsan ciidanka dowladda oo maanta lagu dilay Muqdisho + Magaca

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya toogasho ay koox hubeysan maanta ka geysatay qaybo ka mid ah degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir.

Toogashada oo lagu dilay sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowladda ayaa barqanimadii maanta ka dhacday xaafad ka tirsan degmadaasi, sida ay innoo xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Laba Xidigle Aadan Cismaan, waxaana lagu dilay agagaarka hoygiisa oo ku yaalla degmada Dharkenley.

Ragga dilka fuliyey oo ku hubeysnaa bistoolado ayaa goobta isaga baxsaday kadib dhacdadaasi, sida ay innoo sheegeen qaar ka mid ah dadka deegaanka.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale goor dambe gaaray goobta, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka iyo maamulka degmada oo ku aadan dilkaasi.

Xaaladda goobta uu dilku ka dhacay ayaa haatan dagan, waxaana falkan uu qayb ka noqoyanaa falalka amaan darri ee ka dhacay magaalada Muqdisho.

Si kastaba, dilkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo dhinaca kale ciidamada dowladda ay howlgallo ka wadaan degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana ugu dambeeyey Warta Nabadda oo xalay baaritaano xoogan ay ka sameeyeen ciidanka Booliska Soomaaliya.