Afgooye (Caasimada Online) Guddoomiye ku xigeenka dhinaca ammaanka degmada Afgooye ee gobalka Shabeellaha Hoose ayaa caddeeyay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay qayb ka yihiim ammaan darida ka jirta halkaas.
Isagoo u warramayay Idaacadda VOA ayuu sheegay in habeenkii la dhaco dadka rayidka, waxaana sidaas sameeya ayuu yiri ciidamo ka tirsan dowladda oo ku sugan Afgooye.
Mahdi Xasan Axmed guddoomiye ku xigeenka dhinaca ammaanka Afgooye ayaa tilmaamay in ciidamado badan ay ku sugan yihiin degmada kuwaasoo ay jirin cid ay ka amar qaataan.
“Runta aan isku sheegno maanta ma jirto ciidan ka amar qaata saraakiishooda, qaar kood iyaga ayaa ka warqaba, maalinta cad ayaa dadka lagu dhacaa Afgooye, maalin kasta dad ayaa lagu dilaa” ayuu yiri Mahdi Xasan Axmed.
Dhinaca kale, mar uu ka hadlaayay guddoomiye ku xigeenka ammaanka ee degmada Afgooye lacagihii canshuuraha oo ay joojiyeen markii la dilay askarta canshuuraha.
“Muddo shan bil canshuurtii degmada waan joojinay, waayo canshuurta waxaa lagu qaadaa qori caaradii, waxaa lagu qaadaa Bac waxaa lagu bixiyaa bac, dadka ayaa taas ka qalqalay, marka annaga sidaas ayaaba noo roon wasaaradda arrimaha gudaha waan u sheegnay” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka dhinaca ammaanka Afgooye.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho