24 C
Mogadishu
Thursday, September 4, 2025

Sarkaal ka tirsanaa NISA oo u baxsaday Al-Shabaab oo lagu riday xukun adag

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ex Dable Nisa Maxamed Buulle Muumin oo u baxsaday dhanka kooxda Al-Shabaab kadib markii uu dil ka geystay magaalada Kismaayo ayaa maanta la xukumay.

Ninkan ayaa lagu soo eedeeyay dilka Alifle Maxamed Kaariye Maxamed (Sharafoow) iyo dhaawaca dhibanayaal Dable Nisa Maxamed Cabdulaahi Maxamed iyo Alife NISA Cabdullaahi Axmed Cabdiqaadir (Ilkacase), falkaas oo ka dhacay magaaladda Kismaayo, 20-kii bishii Juun sanadkii 2023.

Fal dambiyeedkaan ayaa dhacay habeen Saq dhexe xilli ay hurdaayeen marxuumka iyo dhibaneyaasha. Eedeysanaha ayaana ku dooday in sababta dilka keentay ay aheyd muran dhul oo kala dhaxeeyay Marxuumka.

Dilka kadib Maxamed Buulle ayaa ka baxsaday magaaladda Kismaayo, isaggoo isku-dhiibay kooxda Al-Shabaab, kuna wareejiyay qorigii dowladda ay siisay.

Eedeysanaha ayaa laga soo qabtay deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka Muqdisho, isaggoo ku dhuumaleysanaya 19 bishii April ee sanadkaan.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday 19-kii bishaan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku xukuntay Ex Dable Nisa Maxamed Buule Muumin dil toogasho ahna qisaastii Marxuum A/Le Maxamed Kaariye Maxamed (Sharafoow). Sida uu warbaahinta u sheegay G/sare Xasan Cali Nuur Shuute, Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida.

- Advertisement -

Read more

Local News