Sarkaalka ugu weyn burcad-badeeda SOOMALIDA oo la dilay kadib markii…

Hobyo (Caasimada Online) – Kooxo hubeysan ayaa habeenkii xaley ku toogtay degmada Hobyo ee gobalka Mudug sarkaal sare oo ka tirsanaa burcad-badeeda Soomaalida.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay Caasimada Online in ninkan ay dileen kooxo ku hubeysan bastoolado kuwaasoo markii ay dileen goobta isaga baxsaday.

Dilka Kaddib waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan maamulka Galmudug, waxaana ay sameeyeen baaritaano ay ku soo qabanayaan kooxihii ka dambeeyay balse ma jirto cid loo soo qabtay dilka sarkaalkan.

Ma cadda sababta loo dilay sarkaalkan oo ka mid ah xubnaha ugu waaweyn burcad-badeeda Soomaalida, ee ku sugan Hobyo.

Waxaa la sheegay in sarkaalkan uu ka qeyb qaatay sii deynta maraakiib dhowr ah oo lagu heestay Hobyo oo ka mid ah meelaha lagu heesto maraakiibta la afduubto iyo shaqaalaha la socda.

Ma jirto wax war ah oo ilaa hadda ka soo baxay maamulka Galmudug oo ka arrimiyaha degmada Hobyo ee gobalka Mudug.

Hobyo waxay ka mid tahay meelaha sidda weyn ay ugu xooggan yihiin kooxaha burcad-badeeda Soomaalida oo weerarradooda uu hadda soo afjarmay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Gaalkacyo

Caasimada@live.com