Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Puntland, C/raxmaan Faroole oo ka mid ah musharaxiinta horay ugu dhawaaqay inuu u tartamayo xilka Madaxweynenimo ee Soomaaliya ayaa sawir gacmeed laga sameeyay ku kala garan waayay calanka Soomaaliya iyo midka maamul goboleedka Puntland ee uu horay madaxweynaha ugu soo noqday.
Sawirka oo macno badan ka turjumaayo ayaa ah cartoon-ka nooca is-fasira, cid walbana ay garan karto macnaha uu xambaarsan yahay.
C/raxmaan Faroole, ayaa mudadii uu xilka madaxweyne ee Puntland hayay ahaa xagjir qabili ah oo mar walba muujin jiray naceybka dadka Koonfur ka yimaada, gaar ahaan dadka Muqdisho iyo dowladdihii Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh, wuxuuna mar walba ugu yeeri jiray dowladda Soomaaliya mid fadhida Xamar, intii uu xilka haayay dadka kasoo jeeda gobolada Bay iyo Bakool uu ku baaqay in laga masaafuriyo deegaanada Puntland.