Muqdisho (Caasimada Online) – Sawirkaani qosolka badan ayaa waxaa lagu miisaaliyay Hogaamiyayaasha Madasha wadatashiga qaranka oo la sheegay inay maamusheen qaar kamid ah qodobada ku jira Dastuurka dalka.
Sawirka ayaa waxaa lagu muujiyay Waraawayaal dhowr ah oo farshaxamiistuhu ku matalay Hogaamiyayaasha kuwaasi oo baal-baal u kala qaatay Dastuurka dalka.
Sawirka waxaa lagu bidhaamiyay Dastuurka oo gabi ahaantiisa la rifay, taa oo lagu muujinaayo sida looga didsan yahay ahmiyada uu leeyahay Dastuurka dalka iyo awooda qodobada ku xusan.


