Toronto (Caasimada Online) – Wiil Soomaaliyeed oo haysta dhalashada dalka Canada ayaa ku dhintay dagaalada Siiriya xili uu ka barbar dagaalamayay kooxaha mucaaradka.
Wiilkaan oo lagu magacaabo Cali Maxamed Diiriye ayaa waxaa geeridiisa Warbaahinta dalka u xaqiijiyay dowladda Canada, iyadoo ay sidoo kale sheegtay in wiilkaani uu hore uga mid ahaa dhalinyaro hore isugu dayday in ay weeraro ka geysato dalka Canada, kuwaasoo loogu magac daray “Toronto 18” maadaama ay ahaayeen 18 dhalinyaro Muslimiin ah.

Wiilkaani ayaa sidoo kale waxaa lagu qabtay xuduuda Canada iyo Mareykanka xili uu Canada soo gelinayay hub sharci daro ah, iyadoo xiligaasi xabsi la dhigay lana sii daayay sanadkii 2011-kii wixii ka danbeeyay wuxuu u wareegay dalka Siiriya.
Dowladda Canada ayaa dhalinyaro ku qiyaastay 100 dhalinyaro oo da’doodu u dhaxeyso 20 ilaa 27 sano jir ay u soo safreen dalka Siiriya si ay ugu barbar dagaalamaan kooxaha mucaaradka oo qaab Islaami ku dagaalamaya.
Horay waxaa magaalada Dimishiq ku lagu dilay Labo wiil dhalinyaro Soomaaliyeed kuwaasi oo garab siinayay mucaaradka.
Caasimada Online
Xafiiska Toronto