RW Saacid: Waan aamini waayey wixii la iigu sheegay shirkii Switzerland

Geneva (Caasimada Online) Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cabdifaarax Shirdoon Saacid oo hadda isaga iyo wafdi uu hoggaaminaayo ay ku sugan yihiin dalka Turkiga ayaa sheegay in xukuumadiisa ay wax badan ka qabatay ku xad-gudubka dhinaca aadana ee laga soo wariyo Soomaaliya.

Ra’iisal wasaaraha oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in shirkii looga hadlaayay xuquuqda aadanaha ee ka dhacay Geneva in si weyn halkaas dowladda Soomaaliya loogu amaanay.

Wuxuu sheegay in dowladda ay shirkaas la tagtay rikoor fiican oo ah xagga horrumarinta xuquuqda aadanaha isla markaa lagu amaanay.

“Rikoor fiican ayaan la tagnay shirka Geneva, si fiican ayaa naloo dhageestay, waxa ay muujiyeen madaxdii ka soo qaybgashay in Soomaaliya ay heer fiican ka joogto dhanka xuquuqda aadanaha” ayuu yiri ra’iisal wasaaraha.

“Waan aamini waayey wixii la iigu sheegay shirkii Switzerland iyo sida na loogu amaanay xuquuqda aadamaha” ayuu yiri

Ra’iisal wasaaraha ayaa wax laga weydiiyay wax yaabaha ay ka qaybteen cadaalada ama garsoorka.

Wuxuu sheegay in shirkii Geneva ka dhacay xubnaha hoggaaminayay uu ku jiray wasiirka garsoorka xukuumada Soomaaliya Cabdulaahi Abyaan Nuur.

Ra’iisal wasaaraha ayaa ku celceliyay in dowladda ay Muqdisho ku qabatay shir looga hadlaayo siddii loo tayeen lahaa garsoorka dalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in qoddobadii ka soo baxay shirkaas qaar ka mid ah la dhaqangaliyay.

Ra’iisal wasaaraha ayaa tilmaamay in wasaaradda garsoorka ay ka mid tahay wasaaradaha sida weyn loola soo socdo dhaqdhaqaaqeeda isla markaa dowladda ay u taageerto.

Si kastaba, dhowr jeer oo hore ayaa la sheegay in goobaha ay maamusho dowladda ka dhacaan xad-gudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, waxaana ka mid ahaa warbixin dhawaan ay soo saartay hey’adda HRW, kuwaasoo dowladda ku eedeeyay in ay si qasab ah uga barakicisay dhismooyinka dowladda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi