Sawiro: Danjire Ameeriko oo arrin lagu farxo ka sameeyey tuulo hoos tagta Balcad

Balcad (Caasimada Onlin) – Amb Mohamed Ali Nur Ameeriko oo ahaan jiray safiirkii Soomaaliya u fadhiyey dalka Kenya dhawaana kamid ah Liiska Musharixiintii doorashadii Soomaaliya ka dhacday ayaa ku dhaqaaqay tallaabo uu u muujinayo dareenkiisa ku aadan dadka ay saameysay abaaraha Soomaaliya ku dhuftay.

Amb. Ameerko ayaa booqasho ay ujeedkiisa aheyd gargaarka dadka dhibaateysan ku tagay Tuulada Walamoy oo ka tirsan Degmada Balacad ee Gobolka Shabeelada Dhexe isla markaasna uu ka arrimiyo maamulka Hirshabelle.

Ambaasadoorka ayaa halkaas ka sameeyey biyo dhaamis aad muhuiim u ahaa waxaana magaaladaas dagan ku dhawaad kun qoys oo u baahan gargaar raashin iyo biyo isugu jiro, wuxuuna ka dhawaajiyey inay halkaas ka jirto baahi iyo abaar daran loona baahan yahay in si deg deg ah ay u gaaraan hey’adaha gargaarka iyo dowladda Soomaaliya, haddii kale ay ka dhallan doonto xaalad bini’aadanimo oo halis ah.

Sidoo kale Ambasadoorka ayaa kormeer ku sameeyey Wabiga Shabeelle oo halkaas maro wuxuuna soo arkay dhibaastada ka jirto halkaas isagoo sheegay  inuu wabigga guray dadkana aysan heysan wax ku waraabsadaan beerahooda maadaama aan muddo la helin wax roob ah.

Ugu dambeyntii Ameeriko ayaa u mahadceliyey Guddoomiyaha Degmada Balcad Maxamuud Maxamed Maxamuud iyo Xildhibaan Kaasim Ali Nuur, Xaaji Maxamed Makunji iyo Ugaas Maxamed weli oo uu sheegay inay kala qeyb qaateen howshaas isla markaasna ay fududeeyeen.

Booqashadaan ayaa imaaneyso XIlli Gobolo badan oo ka tirsan Soomaaliya ay ku dhufatay abaaro la mid ah middii sanadkii 2011 wadanka ka dhacday, waxaana hadda socdo dadaalo loogu doonayo in loogu gargaaro dadkaas dhibaatada heysato