25.7 C
Mogadishu
Thursday, June 19, 2025

Sawirro: A/Madoobe iyo Axmed Diiriye oo xabadka isa saaray iyo hadal qiimo leh oo uu Diiriye jeediyey (Dhageyso)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Marar badan ayey Axmed Diiriye iyo Axmed Madoobe hawada isu marsiiyeen hadallo kulul ayaga oo siyaasad ahaan iska soo horjeeda, balse sheeko taas ka duwan ayaa xalay ka dhacday Muqdisho.

Labada Axmed ayaa ka wada qeyb galaya shirka arrimaha Jubbooyinka ee magaalada ka socda, waxaana markii ugu horeysay ay yeesheen kullan fool ka fool ah, kadib xaflad xalay ka dhacday Muqdisho.

Warbaahinta ayaa soo sawirtay labada Axmed oo gacmaha is heysta, islamarkaana xabadka isa saaray.

Dhinaca kale hadal uu ka jeediyey munaasabadda, ayaa Axmed Diiriye, waxa uu ka sheegay inay muhim tahay in laga wada shaqeeyo sidii Somalia ay horey ugu socon lahayd, la iskana hilmaamo wixii hore.

Axmed Diiriye waxa uu si gaar ah Axmed Madoobe uga dalbaday cafis, sheegayna in dhankiisa uu cafiyey, isaga oona ka qosliyey oo sacab badan ka muteystay ka qeyb galayaasha shirka.

Halka ka hoose ka dhageyso codka Axmed Diiriye.

Axmed-Diiriye

Halkan ka daawo sawirrada.

laba axmedlaba axmed 2

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News