Sawiro: Carwada ganacsiga iyo beeraha Soomaaliya iyo Turkey oo maanta furantay

SOMTURK Agro Expo 2019 oo ah bandhigga ugu weyn ee Ganacsiga, Waxsoosaarka Beeraha, Xoolaha & kheyraadka Quwadda looga maarmo adeegsiga Shidaalka ee dhalinta Korontada ama Layrka ee lagu qabto Soomaaliya ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

Furitaanka Carwada ganacsiga iyo Beeraha ee Soomaaliya iyo Turkiga oo ay hirgelinteeda iska kaashanayaan Jaamacadda Zazam ee culuumta iyo Teknolajiyadda iyo Shirkadda daabacaadda iyo xayeysiiska ee Signjet waxa kaqaybgalay Wasiirka ganacsiga iyo Wershadaha Eng: Cabddullaahi Cali Xasan, Shaqada & Shaqaalaha xildh: Saddiiq Warfaa, Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Waraabka & Beeraha Dr Xaamud, xildhibaano katirsan Baarlamaanka federaalka, Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya,  kuxigeenka guddoomiyaha gobolka iyo shirkadaha ganacasiga ee bixiya waxsoosaarka iyo adeegga ee Soomaaliya.

Maxamed Maxamuud Beerey oo katirsan Zamzam Foundation oo kaqaybgalay furitaanka Carwada ganacsiga iyo Beeraha ee Soomaaliya iyo Turkiga ayaa uga mahadceliyey dhammaan kasoo qaybgalayaasha Carwada ganacsiga iyo Beeraha ee Soomaaliya iyo Turkiga, isaga oo sidoo kalana u mahadceliyey shirkadaha ganacsiga ee kaqaybqaatay hirgelinta Carwada ganacsiga iyo Beeraha ee Soomaaliya iyo Turkiga sida  Zamzam University, Zamzam foundation, Dahabshiil Group, Salaam Somali Bank, Save the children & Turkish airways.

Xildhibaan Dr: Cabdi Cali madaxa guddiga nabadgelyada cuntada ee Baarlamaanka Soomaaliya oo hadal kooban ka jeediyey SOMTURK Agro Expo ayaa sheegay in waxsoosaarka Soomaaliya uu wajahayo mashaakil badan oo u baahan in dowladda iyo Hay’adaha saaxiibka la ah Soomaaliya ay kaalin iyo gacan weyn ka geystaan sidii ilaha waxsoosaarka waddanku u yeelan lahaa awood u ku dhaqaaqo.

Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya Mudane Ambassador Mehmet Yılmaz, oo hadal ka jeediyey munaasabadda furitaanka SOMTURK Agro Expo 2019 oo ay kaqaybgaleen ganacsato Turki ah ayaa u mahadceliyey hay’adaha taabbageliyey SOMTURK Agro Expo 2019 isaga oo dhiirrigeliyey dadaalka dib u hagaajinta Waxsoosaarka Beeraha iyo ganacsiga Soomaaliya.

Wasiir kuxgeenka Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya Dr Xaamud ayaa dhankiisa sheegay in dadkii Soomaaliyeed ee beeraleyda ahaa ay barakacayaal ku yihiin Muqdisho ayna dhibaato kataagan tahay dhulkii beeraha iyo Webiyada.

Carwada SOMTURK Agro Expo 2019 waxa ay ka soconeysaa magaalada Muqdisho maalmaha 14-15-16 – Dec-2019.