Sawirro: Gaas oo noqday madaxweyne Goboleedkii ugu horeeyey ee u dhoofa shirka London

Gaalkacyo (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafti balaaran uu hogaaminayo ayaa maanta safar shaqo ugu ambabaxay dalka Ingiriiska gaar ahaan magaalada London oo uu 10 May 2017 ka furmi doono shir lagaga hadlayo arrimaha Soomaaliya kaas oo ay ka soo qayb gelayaan Madaxdda DFS iyo Dawladdaha kale ee xubnaha ka ah DFS.

Weftiga Madaxweynaha yaa waxaa garoonka Abdulaahi Yuusuf Axmed ee magaalada Gaalkacayo kusii sagootiyey masuuliyiin ka tirsan goloyaasha dawladda Puntland, masuuliyiin ka tirsan Baarlamaanka DFS oo hawlo shaqo u jooga Gaalkacayo, saraakiil ka tirsan madaxtooyada dawladda Puntland, maamulka gobolka Mudug, kan degmada Gaalkacayo, saraakiisha ciidamada gobolka Mudug iyo qaar kamida wax garadka magaalada gaalkacayo.

Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa sii maridoona magaalada Nairobi ee dalka Kenya halkaas oo ay uga sii gudbi donaan magaalada London ee cariga Ingiriiska, waxaana uu madaxweynuhu sheegay in halkaasi ay uga qayb geli doonaan shir ay isugu iman doonaan madaxdda DFS iyo dawladdaha kale ee xubnaha ka ah DFS, isla markaana lagaga arrin sanayo arrimo khuseeya dib u dhiska ciidan qaran iyo horumarka dalka Soomaaliya.

‘’ Saaka waxaan u dhoofayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo aan uga sii gudbi doono magaalada London halkaas oo aan uga qayb gelidoono shirkii Soomaalida ee lagu qabanaayo London 10 bisha May, waxaan rajaynayaa inuu noqdo shirkaasi shir guul iyo khayreh Soomaaliyana wax uga soo kordhaan” ayuu yiri Cabdiweli Gaas oo saxaafada halkaas kula hadlay.

” waxaan rajaynayaa shirkani inuu ka duwanaado shirarkii hore ee laysugu tegijirey wadamada kale sababtu waxa weeye muhiimada uu maanta leeyahay shirkaasi” ayuu sii raaciyey.

“Shirkani muhiimadiisu waxa weeye in lahelo ciidan qaran, in lahelo dib u dhis horumar dhaqaale oo dalka loo sameeyo oo ladhaqaajiyo nabad gelyadii iyo horumarkiiba, waxaanu ka filaynaa maxsuulka ka soo baxa shirkaasi uu noqdo mid wax weyn ka bedela dhaqaalaha iyo amniga ee dalka Soomaaliya’’ ayuu ugu dambeyntii kuso gabagabeeyey.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET