Sawiro cusub oo laga soo qaaday meydadka Dadkii lagu laayey Bariire oo Garaash lagu hayo

Dhacdadii ka dhacday Deegaanka Bariire Subaxnimadii Jimcaha waxay ahayd dhacdo xanuun badan, waxaa Caruurtoodii ku waayey Waalidiin Soomaaliyeed, waxaa Asaay ku qaaday Haween Soomaaliyeed, waxaa Ehel, Qaraabo iyo Asxaab ku waayey dad badan,  waxaa siyaabo kala duwan oo is burinaya uga hadlay Masuuliyiinta Dowladda Federalka Soomaliya taasoo dad badan ka caraysiisay, waxaa dhacay Banaanbaxyo markii dambe la joojiyey,  Waxaan booqday Maanta Garaash lagu hayo Maydadka 10-ka qof oo ay ku jiraan laba Caruur ah kuwaas oo kala ah. Maxamed Teesow Cabdi oo la iigu sheegay 12 jir iyo Sameey Jaamac Warsame isna la iigu sheegay 14 jir.

Waxaa la yaab igu noqotay dadka dhintay oo aan arkay dhamaantood marka hal mid laga reebo waxay xabaddu kaga taalaa dhuunta, waxaa kaloo la yaab igu noqotay sida aanu isu bedelin jirka Maydadka oo dhan, waxay ku jireen Konteenar Qaboojiye fiican leh oo matoor gaar ah u shidan yahay.

Diirshe Cumar Warsame oo ii sheegay inuu Goobjooge ahaa  ayaan waydiidey sida dadkan loo laayey, waxa uuna yiri. “Marka laga reebo sedax nin oo Beerta waardiyeyneysey oo markiiba la soo diley, inta kale waxaa la toogtey kadib markii la qabtay oo madaxa gacmaha loo saaray”

Waxgarad iyo Nabdoono ka socda Ehelada dadka la laayey ayaa la ii sheegay iney la kulmeen Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Dowladuna waxay samaysay gudi soo baara arintan kadib markii ay ugu dambayntii ka Tacsiyeysey, Waxaan iswaydiiyey sababta loo aasi waayey maadaama dadkan la diley Maalintii Jimcaha?

Nabadoon Cabdul Cilmi Xasan oo ka mid ah Naadoonafda Gobolka Shabeelaha Hoose  ayaa yiri. “Dadkan Guryana kuma dumin, Qabiilna ma dilin sidaa darted, waxaan Aasaynaa marka ugu horaysa oo ay Dowladda Soomaliya cadayso cida falkan ka dambaysa sababtoo ah Waxaan rumaysan nahay in Maraykan nalaku soo hogaamiyey oo war khalad ah loo sheegay” .

W/D Cabdinasir Xersi Iidle.

E-Mail  Naasirx1@gmail.com