Sawirro: Cabdi Weli Gaas oo hubkiisa kala soo baxay Boosaaso iyo xaaladda magaalada oo…

Boosaaso (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland C.weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta isaga soo tagay xarunta ganacsiga Puntland ee Boosaaso oo maalmihi ugu dambeeyay uu ku sugnaa isaga iyo xubno golaha wasiirada ka tirsan.

Madaxweyne Gaas ayaa kasoo tagay magaalada Boosaaso iyadoo aan wali xal laga gaarin rabshadihii dhawaan ka dhacay magaalada Boosaaso ee sababay dhimashada iyo dhaawaca dadkii banaabaxa dhigay.

Labo habeen ka hor magaalada Boosaaso ee gobolka Bair waxaa lagu dilay ganacsi ay qaraab dhow yihiin madaxweyne Gaas, waxaana xiisada magaalada ay isku badashay mid qabiileed.

Madaxweyne Gaas iyo wafdigiisa ayaa soo gaaray magaalada Qardho waxayna halkaasi  kula kulmeen madaxda maamulka degmada iyo odayaal dhaqameed ku dhaqan magaalada Qardho.

Hoos ka daawo sawirada

Gaas1 Gaas2 Gaas3 Gaas5 Gaas6