Muqdishi (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta kasoo dagay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, waxaana wafdiga soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan dowlada federaalka Soomaaliya.
Madaxweyne Gaas ayaa sharaxaad ka bixiyay waxyaabaha keenay inuu kasoo duulo garoonka diyaaradaha ee magaalada Garowe uuna soo gaaro magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, waxaana uu watay ciidamo u gaar ah.
Madaxweyne Gaas wuxuu sheegay iney u yimaadeen magaalada Muqdisho sidii ay dowlada iyo maamul goboleedyada oo wada jira ugu soo bandhigi lahaayeen hishiiskii ka dhacay Garowe.
Sidoo kale wuxuu sheegay iney doonayaan iney ka qeyb galaan shirka doorashada dalka looga hadlayo ee ka dhacaya magaalada Muqdisho.