27.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 13, 2026

Daawo Sawirada qaraxii maqaaxida MUQDISHO

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Inta la xaqiijiyay 3 ruux ayaa ku geeriyootay 10-kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii gaari lagu soo xiray walxaha qarxa la hordhigay goob maqaaxi ah.

Goobta qaraxa ka dhacay oo ku taala xaafadda Beexaani ee degmada Shibis ayaa waxaa ku nafwaayay shacab goobta ka akdhowaa.

Qaraxyada noocaani ah ayaa waxaa inta badan ku dhamaada dad shacab ah kuwaasi oo aan wax lug ah ku laheyn Siyaasada dalka ka taagan ee iska soo horjeeda.

Maqaaxidaani oo lagu magacaabo Rajo ayaa waxaa inta badan ku cunteyn jiray Mas’uuliyiin iyo Ciidamo ka tirsan Dowlada waxa uuna bartilmaameedku ahaa dadkaasi, iyada oo Qaraxa lagu beegay xili qado.
qarax

Qarax1

Qarax2

Qarax3

Qarax4

Qarax5

Qarax6

- Advertisement -

Read more

Local News