Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Puntland oo weli ku sugan Magaalada Muqdisho ee Caasimada Somalia ayaa waxa uu weli kulamo la qaadanayaa Madaxda Qaranka Somalia, gaar ahaan Madaxweyne Xassan, Cumar Cabdirashiid iyo Ra’isul wasaarihii hore ee Somalia.
Madaxweynaha inta aanu bilaaban kulamadiisii gaarka ah ayaa markii hore waxaa uu socod kusoo maray xaraunta madaxtooyada ee Villa Somalia isaga oo u kuur gelayey xaalada guud ee ciidamada Madaxtooyada, kadibna intii uu lugeynayey askari askari ugacan qaaday ciidamadii goobihii uu marayey ku sugnaa.
Gaas ayaa waxaa uu booqashadiisii ka bilaabay guriga uu degan yahay Ra’iisal Wasaarihii hore ee Somalia Cabdiweli Sheekh, halkaas oo uu kula qaatay kulan gaar ah oo is xogwaraysi ah.
Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kadib usii gudbay Xafiiska Madaxweynaha DF Somalia Somalia, halkaas oo kulan Albaabadu u xiran yihiin kula qaatay Madaxweynaha DF ee Somalia Xasan Sheekh.
Kulankaasi kadib ayaa waxaa kulan wada jir ah yeeshay Madaxweynaha DF Somalia Xasan Sheekh, Ra’iisal Wasaare CCC, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Wafuudii ay kala hogaaminayeed Madaxweynayaasha Maamulada Jubbalan Iyo Koonfur Galbeed ee Somalia.
Madaxweynaha DF ee Somalia oo kulankaasi furay ayaa waxuu uu sheegay in uu aad iyo aad ugu faraxsan yahay booqashada ay ku yimaadeen Cabdiweli Maxamed Gaas Iyo wufuuda kale ee ka timi maamul goboleedyada Jubbaland Iyo Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in uu aad iyo ugu mahadsan yahay Gaas sida uu usoo ajiibay martiqaadkii aan u fidiyey ee qorshihiisu ahaa in aan yeelano kulan wadatashi oo aan ka yeelano aayaha Somalia.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhankiisa sheegay in Somalia mudo 25 sano ay ku jirtay xaalad adag iyo jah wareer siyaasadeed maantana la gaaray xiligii aan uga tashan lahayn si wadajir waayo way adag tahay ayuu yiri inaan keli keli u gaarno hadafkeena.
Madaxweyne Xasan Sheekh isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu yiri ”madashani waa madal wadatashi waxaan u baahanahay inaan is aamino isla tashano si dhab ahna ugu armino dalkeena iyo dadkeena.”
Madaxweynaha Puntland Dr, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo khudbad dheer ka jeediyey madashii wada hadalka ayaa waxaa uu sheegay inuu aad iyo aad usoo dhaweynayo wado kasta oo loo marayo in lagaaro xal siyaasadeed oo waara oo lagu samata bixinayo shacabka dhibaataysan ee Soomaaliya
“Way itaabanaysaa dhibaatada Somalia ka jirtaa mar walba, shacabkeena iyo dalkeenaba dhamaanteen masuuliyad ayaa inaga saaran waa inaan keenaa xal waara, Puntland oo dhan ayaa ka xun dhibaatada Somalia, markasta Puntland waxay u taagan tahay midnimada Somalia markastana waa sii wadaynaa, markaaas waxaa la inooga baahan yahay inaan isla tashano, masuuliyada wadaagno, isu tanaasulo, lana tartano khayrkeen, sidaas ayaan qaranimadeenii luntay kusoo celin karnaa” sidaas waxaa yiri Gaas.
Gebebadii kulnakii wadatashiga ayaa waxaa kasoo baxay in la sameeyo gudi farso oo ka kooban 8-sideed xubnood kuwaas oo kasoo talo bixin doona qodobo afar ah oo lagu heshiiyey in go’aan wada jir laga wada qaato, si looga gudbo khilaafka siyaasadeed ee ragaadiyey Soomaaliya.
Qodadii gudiga loo saaray ayaa waxay kala ahaayeen:
1.HIIGSIGA SANADKA 2016
2.BARNAAMIJKA HIMILDA CUSUB ( NEW DEAL)
3.DHISIDA CIIDAMADA QARANKA SOOMAALIYA
4.ABUURIDA KALSOONIDA
Weli waxaa socda kulamada gaar gaarka ah iyo wadahadala uu la yeelanayo Madaxweynaha Puntland Gaas masuuliyiinta sarsare ee Somalia, waxaana la dhowrayaa in heshiis buuxa laga gaaro qodobadaasi afarta ah ee lagu heshiiyey in laga wada xaajoodo, kadibna la soo saaro warsaxaafadeed wada jir ah saacadaha fooda inagu soo haya.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com