32.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Sawiro: Kulan xasaasi ah oo ka dhacay Villa Somalia iyo beesha caalamka oo…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa maanta xarunta madaxtooyada Soomaaliya kula kulmay wakiilada beesha caalamka ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Dadka uu la kulmay ayaa waxaa kamid ahaa danjirayaasha caalamka kaga sugan magaalada Muqdisho iyo ururo caalami ah, waxayna ka wada hadleen arimaha Soomaaliya.

Kulanka waxaa shir gudoominayay madaxweyne Xasan Sheikh, waxaana looga hadlay kordhinta taageerada beesha caalamka ay siiso dowlada Soomaaliya iyo siyaasada haatan ka jirta dalka Soomaaliya.

Madaxda kulanka ka qeyb gashay waxaa kamid ahaa, wakiilka gaarka ee QM u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay, safiirada Midowga Yurub, Turkiga, Carabta, Sweden iyo wadamo kale kuwaasi oo la sheegay inay natiijo wanaagsan ay kusoo dhamaadeen.

Latiyaasha madaxweynaha ee amniga iyo siyaasada, agaasimaha guud ee Madaxtooyada iyo madax kale oo madaxweynaha ka agdhow ayaa ka qeyb galay kulankaasi oo ahaa mid xasaasi ah.

Wuxuu kusoo aadayaa iyadoo madaxweynaha looga fadhiyo inuu soo magacaabo ra’iisul wasaare cusub, maadaama xukuumadii C/welli kalsoonida lagala laabtay.

7kulan765432

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News