Sawiro: Maxaa kulankii CC Shakuur, Xasan Sheekh iyo Cosoble looga hadlay?

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa maanta kulan ku yeeshay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble, iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Saddexdan mas’uul ayaa kala hoggaamiya saddex xisbi oo la filayo inay ka mid noqdaan kuwa ugu miisaanka culus ee doorashada Soomaaliya ka dhaceysa sanadda 2021.

Xasan Sheekh ayaa haatan ah hoggaamiyaha Xisbiga UPD, Xildhibaan C/Qaadir Cosoble waa hoggaamiyaha Xisbiga Ilays, ayada oo Xisbiga Wadajir uu hoggaamiyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Kulanka oo saacado qaatay ayaa looga wada hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan dhacdooyinka ugu danbeeyey ee dalka ka dhacay.

Seddexda hoggaamiye ayaa isku raacay in ay si buuxda oo wadajir u wada shaqeeyaan, islamarkaana yeeshaan kulamo joogta oo wax looga qabanayo xaaladda siyaasadeed ee dalka.