Sawiro: Maxay ahaayeen 17-ka qof ee la arkay iyagoo ku aasan xabaal wadareed ku yaal Berbera?

Berbera (Caasimada Online) – Waxaa Maant aas qaran loo sameeyey  Todoba iyo toban qof oo laga helay xabaal wadareed lagu duugay oo ku taalla xaafadda Burco Sheekh ee magaaladda Berbera, iyadoo qof kasta si gaar ah loo aruuriyey lafihiisa isla markaasna la isku xiray, waxaana lagu aasay xabaalo ku yaal Koonfurta.

Sasiirka Diinta iyo Aw qaafta, Wasiirka Cadaaladda iyo wasiiro kale, Guddoomiyaha Magaalada Brbera iyo guddiga daba galka xasuuqyadii wadanka ka dhacay ayaa qeyb ka ahaa janaaso iyo aas qaran oo loo sameeyey dadkaan laga soo bixiyey xabaal wadareed lagu aasay.

Xabaal wadareedkan dhawaanta la helay oo koox caalami ahi xaqiijiyeen, islamarkaana soo foqeen 17 qof oo dawladdii Siyaad Bare ku laysay dad shacab ah oo aan waxba galabsan ayaa dib qof walba gaar loogu aasay, taasoo qeyb weyn ka aheyd dhibaatadii ka dhacday dhulalka Woqooyiga.

Khadar Like oo ah guddoomiyaha guddida baarista xasuuqyadda Soomaaliland ayaa ka dhawaajiyey inay waajin tahay in dadkaas laga helay xabaal wadareedka loo sameeyo sida ay diinta islaamka qabto aas wanaagsan maadaama la amray in la xushmeeyo meetada.

“Waxaanu halkan iskugu nimid in aynu xaqoodii u gudno intii aynu kari karaynay, todoba iyo toban dhalinyaro u badan, oo lagu xasuuqay xaafada la yiraa Burco Sheikh ee magaaladda Berbera oo aynu dib ugu aasayno, xuquuqdii ay lahaayeen ee aynu kari karno, iyadoo gacan ka xaqdaran dishay.”ayuu yiri gudoomiyaha guddida xasuuqa Khadar Like.

Wasiirka cadaalada Somaliland Axmed Faarax Cadare ayaa dowladda cusub ee Soomaaliya ka codsaday inay qirato in dadkaas lagu laayey amar dowladeed, sidoo kalana wuxuu sheegay inaysan jirin cid ay ka aarsanayaan falkaan loo geystay dhalinyaradooda maadaama ay ficilkaas geysatay dowlad.

Dhulka uu ka arrimiyo Somailand ayaa waxaa dhawr jeer la helay xabaal Wadareed ay ku jiraan dad badan oo la sheegay inay dishay dowladdii uu hoggaaminayey Maxamed Siyaad Barre.

Caasimada Online
Xafiiska Berbera
Caasimada@live.com