Sawirrada iyo muuqaalka dagaalkii dhex maray ciidamada maamulka GALMUDUG & PUNTLAND

Asad Cabdullahi MataanBy Asad Cabdullahi Mataan

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal u dhaxeeyay Galmudug iyo Puntland oo ka dhacay koofur magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan xaafadaha Garsoor iyo baraxleey oo ay kala maamulaan labada maamul.

Maamulka Puntland ayaa sheegay in ciidamo maleeshiyad ah oo iska abaabulay xaafad Baraxleey ay la dagaalameen ciidamada maamulkooda oo doonayay furitaanka waddada laamiga ah ee laga dhisayo magaalada Gaalkacyo.

Laakiin maamulka Galmudug ayaa dhankooda sheegay in dagaalka ay ka dambeeyeen maamulka Puntland ee uu madaxweynaha ka yahay C/welli Maxamed Cali Gaas.

Inta laga warhayo ku dhawaad 10 ruux oo dhinacyada dagaalamay ah ayaa ku dhintay dagaalka maanta waxaana intaasi ka badan dhaawacyada ka dhashay dagaalka.

1 2 3 a1 c c1

Caasimada Online
Xafiiska Mudug
Caasimada@live.com