Sawirro: Shacab careysan oo dibad bax ka wada magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimadda Online) – Shacab badan oo ka careysan dilkii shalay loo geestay Taliye Ku Xigeenkii hore ee NISA u qaabilsanaa Gobalka Banaadir Ciise Jiijiile ayaa Xiligaan dibadbax ka dhigayaan qeyba ka mid ah Wadada Maka Al-mukarama ilaa tarabuunka ee magaalada Muqdisho.

Goob joogayaal ayaa ku soo waramaya in dibadbaxa uu wato rabashado saameeyay Goobaha Ganacsiga iyo isku socodka Gaadiidka iyadoo ay gaareen Ciidanka Dowladda soomaaliya.

Dadkan ayaa ka careysan Sarkaalkii ka tirsanaa Ciidamada NISA ee lagu dilay iska hor imaadkii shalay dhex maray Ciidamada, waxaana ay ku qeylinayeen inay rabaan cadaalad, cidii ka dambeysayna sharciga la horkeeno.

Waxaa la xiray Ganacsiga qeybo ka mid ah wadada Maka Al-Mukarama, waxaana dadweynahan careysan ay dhagxaan la dhacayeen gaadiidka dadweynaha ee wadada marayay.

Ciidamo ka tirsan kuwa Xasilinta oo isku dayay in dadka dibad baxayay ay dajiyaan ayaa dhagxaan lagu bilaabay, iyadoo dib u laabteen.

Wararka ayaa sheegaya in mid ka mid ah saraakiisha Ciidamada Xasilinta oo u yimid dadweynaha dibad baxayay uu ku qanciyay inay dib u laabtaan, ayna wadada furaan.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com