26.9 C
Mogadishu
Saturday, June 21, 2025

Sawirro: Shir ka dhan ah qorsha wasiir Odowaa & Mahad Salad oo maanta ka furmay magaalada..

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Beledweyne (Caasimada Online) – Magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan waxaa ka furmay shir loogu magac daray aayo ka talinta gobolka Hiiraan kaasi oo ay ka qeyb galeen waxgaradka iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda deegaanada gobolka Hiiraan.

Shirka ayaa maalmahaanba qaban qaabadiisa waxay ka socotay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, waxaana maanta furay Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo si weyn looga yaqaan gobolka Hiiraan.

Siyaasiyiin ay kamid yihiin wasiiro xukuumada Soomaaliya ka tirsan iyo xildhibaanada baarlamaanka oo looga yeeray gobolka Hiiraan ayaa ka qeyb galaya shirka ka furmay magaalada Beledweyne.

Waxgaradka ayaa waxay ka caroodeen shirka ka socdo magaalada Jowhar kadib markii wasaarada arimaha gudaha iyo wasiiro dowlaha madaxtooyada Soomaaliya si aysan jecleysan u qeybiyeen ergada ka qeyb galaysa shirka waxayna dib ugu laabteen magaalada Beledweyne.

Hoos ka daawo sawirada

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
- Advertisement -

Read more

Local News