Sawiro: Dowlad Farmaajo u ballan qaaday inay ilaa 2020 ka bixin doonto mushaarka ciidamada

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa gaaray guul weyn markii meel laga saaray mushaarka ciidamada Booliska ilaa sanadka 2020 waxayna midaas u suurta gelin doontaa inuu sameeyo ciidamo tayeysan oo ay leedahay Soomaaliya.

Kulan ay si wadajir ah u guddoominayeen Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Aadan “Farkeeti” iyo Danjiraha Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya Ambassador Mrs. Veronique ayaa waa ka qayb galay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Boliiska Oo uu hoggaaminaayey Taliyaha Ciidanka Boliiska Sarreya Gaas Maxamed Sheekh Xasan ayaa  lagu qabtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Shirkaan oo ahaa mid aad muhiim uga ahaa dowladda Soomaaliya ayaa   Waxaa lagu soo bandhigay daraasad muddo laba bil ah laga sameynayey xaaladda Dhaqaale iyo Ciidan ee uu boliisku ku sugan yahay, si ay boliisku ugu suurta gasho inuu si hufan u guto hawlihii loo egmaday.

Gen Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo ah Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo halkaas qudbad ka jeediyey ayaa sheegay in saraakiisha Ciidanka ay diyaar u yihiin sidii Midowga Yurub ay ugala shaqeyn lahaayeen hawlaha dib u habeynta Ciidanka.

Ambassador  Mrs. Veronique oo ah Safiirka Midoowga Yurub ee Soomaaliya ayaa halkaas kaga dhawaajisay in ilaa iyo 2020 ay boliisku u hayaan mushaahar ay ugu talagaleen, Ayna diyaar u yihiin inay ka qayb qaataan dib u dhiska Ciidanka Boliiska gaar ahaan dhanka Mushaaraadka, qalabka iyo tababarka, Iyo Sidoo kale daryeelka Askarta da’da ah ee ku gaboobay hawsha Boliiska.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com