Sawirro: Xasan Sh. oo khudbad aan caadi aheyn ka jeediyay SHIRKA wadatashiga ee GAROOWE

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta si wadajir ah u furay Wajiga labaad ee shirka wadatashiga Madasha Federaalka.

Shirkaani ayaa Ujeedkiisu yahay mid looga arrinsanayo arrimo la xiriira danaha dalka Somalia iyo sida wax loo wada qabsan lahaa.

Ugu horeyn Madaxweynaha Puntland ayaa shirka ka jeediyey khudbado dhowr dhinac taabanaysa,waxyaabaha Madaxweyne Gaas uu ka hadlayna waxaa ka mid ah, Dastuurka Qaybo Qoraalka ah uu sheegay inay Puntland Xasaasiyad ka qabto iyo in la dhameystiro qodobada ay cabashadu inta badan ka imaado.

Waxa uu soo hadal qaaday kaalinta Puntland kaga aadan taabagalinta Siyaasadaha dalka iyo inay ka dhex muuqato qorshayaasha DF Somalia ay ugu talo gashay Maamulada Gobolada.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa isna shirka ka jeediyey khudbad aad u dheer oo uu uga hadlay arrimo fara badan oo Soomaaliya ku saabsan, gaar ahaan waxyaabo Puntland quseeya sida, Maamulka loo dhisayo Gobolada dhexe, Dastuurka Qabyo Qoraalka ah iyo waxyaabo kale.

Waxa uu sheegay in DF Somalia ay wada simeyso Gobolada dalka ujeedka Gobolada dhexe loo dhisaayana uu yahay mid keentay baahi ku aadan in loo diyaar garoobo hanaanka lagu hirgalin lahaa Doorasho dalka ka dhacda, walow uusan Madaxweynuhu kusii fogaan arrimaha doorashootinka khuseeya.

Waxa uu rajo ka muujiyay in si wanaagsan oo ay kuwada qanci doonaan Maamulada Gobolada dalka ay wax waliba kusoo dhamaan doonaan, waxa uuna Khudbadiisu kusoo qaatay in DF Somalia ay ka dhabeyn doonto qodobada horyaal.

Dhanka kale, waxaa shirka ka hadla Madaxweynayaasha Maamulada Jubba iyo Koofur galbeed, waxa ayna sheegen inay aad usoo dhaweynayaan go’aanka Madaxweyne Xassan uu ku taabagalinaayo Siyaasada dalka iyo in meesha laga saaro khaladaadka yar yar ee ka dhextaagan DF iyo Maamulada.

HOOS KA DAAWO SAWIRADDA
1

2

3

4

5

6

7

8

9

10

11

12

13

14

15

16

17

18

19

20

21

22

23

24

25

26

27

28

29

30

31

32

33

34

35

36

37

38

39

41

42

43

44

45

50

51

52

53

54