XASAN SH. oo ballan-qaad u sameeyay Puntland

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxaweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa balan qaad u sameeyay maamulka Puntland oo ku aadan in wax saameyn ah uusan ku yeelan doonin sameynta maamulka gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya.

Xasan Sheikh, oo ka hadlayay furitaanka shirka u dhaxeeya dowlada Soomaaliya iyo maamul goboleedyada ee looga hadlayo arimaha federaalka ayaa sheegay in maamulka gobolada dhexe uusan wax sameyn ku yeelan doonin maamulka Puntland.

Xasan Sheikh, wuxuu cadeeyay in balanqaadkaasi uu yahay mid dhab ah oo loo sameynayo maamulka Puntland oo cabasho xoogan ka muujinayay dhismaha maamulka gobolada dhexe.

Balanqaadka Xasan Sheikh Maxamuud, ee uu u fidiyay maamulka Puntland ayaa kusoo aadaya iyada oo uu is qabqabsi ka taaga tahay magaalada Cadaado.

Magaaladaasi waxaa ku wada sugan gudiga farsamada maamulka gobolada dhexe iyo saxiixayaasha dhismaha maamulka gobolada dhexe ee dalka.

Dhanka kale waxaa maanta magaalada Garoowe ee Puntland ka furmay shirka ay yeelanayaan dowlada Federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada qaar ee ka dhisan dalka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
Caasimada@live.com