Shirka madaxweynayaasha oo ka furmay Garowe

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goor dhow magaalada Garoowe ee xarunta gobalka Nugaal ka furmay wejiga Labaad ee shirka wadatashiga u dhexeeyay DF Somalia iyo Maamul goboleedyada dalka.

Shirka oo qadar yar ka hor furmay ayaa waxaa looga wada xaajoonayaa Hiigsiga 2016-ka ee la xiriira doorashada la filaayo inay ka dhacdo dalka Somalia.

Shirkaan ayaa ka furmay xarunta wasaaradda caafimaadka Puntland, waxaana halkaasi hadalo ka jeedin doona madaxda ka qeybgalaysa oo uu ugu horeeyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale, Shirkaani ayaa waxa uu daba socdaa shirkii magaalada Muqdisho Bishii Febraayo ee sanadkaan 2015 ku yeesheen dhinacyadaan.

Dhanka kale, waxaa la filayaa in shirka uu kasoo baxo natiijo ay ku raali noqon doonaan dhamaan Maamul Goboleedyada dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com