Xog: Madaxtooyada Koofur Galbeed oo la rarayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya dhanka Maamulka Koofur galbeed ayaa sheegaya in gabi ahaan Xarumaha Maamulkaasi maalmaha soo socda loo raraayo Magaalada Baraawe ee Gobolka Sh/hoose.

Madaxweynaha Maamulkaasi Shariif Xassan Sheekh Aadan, ayaa safarkii labaad halkaasi ku gaaray waxa uuna ahaa mid uu ku indha indheenaayay goobaha ugu macquulsan ee Maamulka Xarun looga dhigikaro.

Cabdiraxmaan Aadan Ibraahim Satte oo ah ku-simaha Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed ahna Wasiirka arrimaha gudaha ayaa warbaahinta u sheegay in Gudoomiye cusub ay u magacaabeen Magaalada Baraawe, kadib markii ay arkeen baahida loo qabo Maamul ay yeeshaan Dadka Deegaanka.

Waxa uu intaa hadalkiisu kusii daray in maalmaha soo socda ay dhameystiri doonaan xubnaha ka harsan Maamulka degmada Baraawe.

Dhanka kale, waxa uu sheegay inuu dhamaaday murankii dhinaca xuduuda ee Maamulkiisa kala dhaxeeyay kan Gobolka Banaadir, isaga oo xusay in Taliyaha Ciidamada Xoogga uu Calanka Koofur galbeed dib uga suray Xadka labada Maamul, kaasi oo horay ay u dajiyeen Ciidamo taabacsan Dowladda Federaalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com