XASAN SH. oo Puntland u sheegay in maamulka gobollada dhexe uu noqonayo hal gobol iyo bar

Garoowe (Caasimada Online) – Qaar ka tirsan isimmada Putland ayaa kulan muddo saacado ah qaatey waxay madaxtooyada Garowe kula yeesheen Madaxweynaha Dowlada Federaalka Xasan Shiikh Maxamuud.

Caasimada Online ayaa ogaatey in kulankaas goob joog ka ahaayeen ilaa kow iyo toban madax dhaqameed ayna Madaxweynaha Somalia kala xaajoodey mowqifkiisa ku aadan shirweynaha lagu dhisayo maamulka gobollada dhexe ee Somalia.

Wararka ku xeeran kulankan ayaa xusaya in Madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh isimmada u sheegey in gobolka Mudug sida hada u qaybsan yahay ahaan doono iyadoo aan waxba loo dhimeyn jiritaanka Puntland, waa sida uu hadlka u dhigeye.

Mudane Xasan Shiikh ayaa dhinaca kale wuxuu hoosta ka xariiqey in maamulka gobollada dhexe u dhismi doonaa nooqon doono mid kumeel gaar ah ah islamrkaana ay ku midoobi doonaan koonfurta Mudug iyo gobolka Galgaduud halka sadexda beelood ee Hawiye, Dir iyo Mareexaan qayb ka noqon doonaan.

Dhinaca kale madaxweynaha Somalia ayaa sheegey in dib u eegista lagu sameyn doono dastuurka Somalia xal u keeni doonto qodobka ah in maamul goboleed noqon karaan labo gobol iyo ka badan isaga oo intaas raacshey in dhammaan maamullada dhismaya inta ka horeysa xilligaasi ahaanayaan kuwo kumeel gaar ah.

Wararka ayaa sheegaya sidoo kale in Madaxweynaha Somalia inta uu kulankani socdey uu si wanaagsan uga wada jawaabey dhamaan su’aalahii ay isimmadu ka waydiiyeen arrimaha Somalia.

Madaxweynaha Somalia ayaa furitaanka kulanka Cadaado khudbad uu ka jeediyey ka sheegey in maamul goboleedka gobollada dhexe ka koobnaan doono gobolka Galgaduud iyo gobolka Mudug, waxaana hadda muuqata inuu laba carableynayo, oo koox walba sida ay jeceshahay u sheegay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com