Xog: Gaas oo diiday codsi Xasan Sheekh ka yimi oo ay aqbaleen Shariif Xasan & Axmed Madoobe

Garoowe  (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland ayaa sheegaya in Madaxweyne Xassan Sheekh uu kulan albaabada uu u xiran yahay la qaatay Madaxweynayaasha Gobolada Puntland, Jubba iyo K/galbeed.

Ujeedka kulanka ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha uu Mas’uuliyiintaasi kala hadlaayay inay u ogolaadan inuu wakhti kororsi sameyso DF Somalia maadaama uu wakhtigu yahay mid aan saamaxeynin in doorasho lagu qabto.

Madaxweyne Xassan oo Garoowe uga qeybgalay shir looga hadlaayay Hiigsiga 2016-ka, ayaa waxa uu Madaxweynayaashaasi ka codsaday inay ku taageeran go’aankaasi islamarkaana ay beesha caalamka u cadeeyaan inay ku taageeren mowqifkaasi.

Ilo lagu kalsoon yahay oo ka tirsan wafdiga Madaxweynaha ayaa xaqiijiyay in Madaxweynayaasha Jubba iyo K/galbeed ay Xassan u ogolaaden inuu sameeyo wakhti kororsi, balse waxaa arrintaasi diidmo ka muujiyay Madaxweynaha Maamulka Puntland oo isaguna iminka laga dhaadhicinaayo mowqifkaasi.

Sababta uu C/weli Gaas ku qaadacay aragtidaasi, ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxweyne Xassan uu dhowr jeer oo sii horeysay uga baxay balamo uu u sameeyay, hadana ay suuragal tahay inuu ugu baxo balamo uu u qaaday Seddexdaasi mas’uul oo fulinteedu dhici doonto dabayaaqada asbuuca soo socda.

Socdaalka Madaxweyne Xassan ka sokow shirkaasi ayaa waxaa la tilmaamayaa inuu yahay ka miro dhalinta hadafkiisa ah wakhti kororsiga oo in mudaba ah ay inta badan Siyaasiyiintu saadaalinayeen.

Dhanka kale, goobaha lagu qaxweeyo ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa aad looga hadal hayaa caqabadaha ay DF Somalia kala kulmi doonto dhanka BF, Xisbiyada mucaaradka waa haddii uu go’aankaasi uu u rumoowo Madaxweyne Xassan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com