Guureeye: Guddi u kala hiilinaayo musharaxiinta madaxweynaha naguma soo laaban doonaan”

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Sadexda Gole ee Ahlu Sunna oo ka mid ahaa Saxiixayaasha Maamulka Mudug iyo Galgaduud kana tirsan musharaxiinta, ayaa si faahfaahsan uga hadlay go’aankii ay shalay ku kala direen Guddiga Farsamada Maamulka.

Sheekh Ibraahim Guureeye waxa uu sheegay in go’aankaasi uu ahaa mid ka dambeysay kadib markii ay dareemen in gudigu ay u kala eexanayaan Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Maamulka la dhisaayo, waxa uuna tilmaamay inaan leysu soo laaban doonin inta uu socdo qaska ay kala kulmayaan gudiga.

Wuxuu sheegay in Gudiga ay ku fashilmeen Cadaalada kadib markii sida uu sheegay ay bilaabeen inay kala geeyaan Mas’uuliyiintii baadi goobeysay cadaalada, taasina ay dhalisay inay iyaguna kala diraan.

“Go’aankaan waxaa wada qaatay Saxiixayaasha iyo Odayaasha Dhaqanka, Gudiga howshii aan kusoo xulanay waa ay ku fashilmeen, Gudi kale hala soo magacaabo, anagu uma aan xulan inay naga dabashaqeeyaan ee waxaan u xulanay inay daacad noogu adeegaan”

Sidoo kale, waxa uu muujiyay in gudigu ay u hiilinayaan Musharaxa C/kariin Gulleed, taasina ay meesha ka saareyso kalsoonida ay ku qabeen.

Musharaxiinta Madaxweyne ee Maamulka Mudug iyo Galgaduud, waxaa ka mid ah Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Cabdikariin Xuseen Guuleed, kaasi oo ka mid ah La-taliyaasha Madaxweynaha.

Dowladda Soomaaliya waxa ay dhankeeda War qoraal ah oo ay soo saartay ay isaga fogeysay in ay faragalin ku heyso Shirka Cadaado ee dhismaha Maamulka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com