Xog: Siyaasiyiin abaabulan oo wada qorsho lagu fashilinayo shirka gobollada dhexe ee CADAADO

Cadaado (Caasimada Online) – Warar hoose oo naga soo gaaraya Magaalada Cadaado ee Xarunta Maamulka Ximan iyo xeeb ayaa sheegaya in shirka halkaasi ka socda uu halis ugu jiro in gabi ahaan uu fashil ku imaado.

Wararku waxa ay sheegayaan in xarunta uu shirka ka socdo ay gaareen Siyaasiyiin dhowr ah oo iyagu u abaabulan qaab qabiil kuwaasi oo uu ujeedkoodu yahay in la carqaladeeyo shirka si uu u istaago.

Siyaasiyiintaasi ayaa waxa ay abaabul xoogan ka dhex wadaan Odayaasha qeybta ka ah shirkaasi waxa ayna kasoo horjeedaan sida ay wararku qeexayaan C/kariin Xuseen Gulleed oo garab muuqda ka heysta Villa Somalia.

Siyaasiyiinta iyo Odayaasha abaabulka wada ayaa waxaa iyaguna gadaal ka riixaayo xubno ka tirsan Musharaxiinta u taagan qabashada xilka madaxtinimo ee Maamulka G/Dhexe.

Arrintaani ayaa waxa ay kusoo beegmeysaa xili qaar ka mid ah Saxiixayasah Maamulka Mudug iyo Galgaduud iyo Odayaasha dhaqanka ee ku sugan Magaalada Cadaado ay sheegen in ay kalsoonida kala noqdeen Guddiga Farsamada Maamul u sameynta labada Gobol.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com