Xasan Sh. ma wuxuu booqday gobolka NUGAAL ee Jamhuuriyada Somalia, mise dalka Puntland?

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud & wefdi uu hogaaminayo ayaa socdaal ku jooga Magaalada Garowe ee xarunta u ah maamul goboleedka Puntland, waxaanna garoonka ku soo dhoweeyey Madaxweynaha Puntland, ku-xigeenkiisa & xubno ka tirsan maamulkiisa.

Socdaalka Madaxweynuhu ayaa waxaa dad badan ay wax iska weydiinayaan qaabka ay u dhacday soo dhoweynta Madaxweynaha, iyada oo madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Gaas uu la koray, weliba si garba siman ah halkii Madaxweynuhu salaan sharafta ku qaadanayey; iyada oo la suray labo calan oo kala ah kan Jamhuuriyada & calanka maamul goboleedka Puntland.

xasan iyo gaas“Markii horeba, waxaa mamnuuc aheyd in Madaxweynuhu isaga oo booqanaya Gobol ka mid ah Jamhuuriyadda uu salaan sharaf qaato, salaan sharaftu waa marka uu dal dibedda ah tagayo; Nugaal waxeey ka mid tahay Jamhuuriyada Soomaaliya; waa dhaqan Puntland ay horay u jideeysay oo dhaawac weyn u geysaneysa sharafta & karaamada Dowladnimada, sidii madax kala meteleysa laba Dowladood ayaa la isku soo dhoweeyey; Xassan Sheekh in sidaa loo maamuus tiro isaga ayaa ka mas’uul ah” Ayuu yiri mid ka mid ah ergadii la socotay wefdigiisa, wuxuuna xusay in adduunka aysan jirin meel ay ka dhacday in shaqsi Madaxweyne ah isaga oo dalkiisa qeybo ka mid ah kormeer ku tegaya sidaa la iskula dhiririyo.

Masúulkan wuxuu sheegay in dalalka dunida aysan ka dhicin waxa Soomaaliya ka dhacaya, sababtuna ay tahay ku dhaqanka nidaamka Dowliga ah oo aysan Soomaalidu u bisleyn in ay xagsato.

“Waa dhaqan guun ah, una baahan in laga guuro in shacab masaakiin ah inta loo soo labiso qoraxda la soo tubo; sidii laba Dowladood oo kalena la isku marxabeeyo; waqti dhumiskaan waa in la joojiyaan” Ayuu yiri mas’uulkaas.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com