26.9 C
Mogadishu
Saturday, June 21, 2025

Sawiro: Xiddig oo ka hadlay ujeedka loo dhisay madasha cusub ee looga dhawaaqay Nairobi

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Madasha Horusocod Cabdirashiid Maxamed Xiddig ayaa maanta Magaalada Muqdisho ku qabtay shir jaraa’id oo uu kaga hadlayey ujeedka loo dhisay madasha cusub ee looga dhawaaqay Magaalada Nairobi.

Madasha Horusocod ayaa waxaa looga dhawaaqay dhawaan Magaalada Nairobi, waxaana guddoomiye looga dhigay Cabdirashiid Maxamed Xiddig, waxaana maalmahaan dhan la is waydiinayey ujeedka rasmiga ah ee madashaan laga leeyahay.

Haddaba  Xildhibaan Xidig ayaa sheegay in aysan iyagu aheyn mucaarad, isla markaana dowladda aysan si gaar ah mucaarad ugu aheyn, hase ahaatee waxaa uu tilmaamay in waxa ay isu baheysteen uu yahay in Horusocod, dalkana la hormariyo.

C/rashiid Xidig oo saxaafadda kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa yiri: “Anaga qolo mucaarad ma nihin, dowladda ma mucaaradsani, kamana keeneyno mooshin Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha, waxaa isu baheysanay waa in dalka la hormariyo, horayna loo socdo”

Wuxuu meesha ka saaray wararka suuqa loo geliyey eek u saabsan qorshaha loo sameeyey madasha ee ah inay yihiin mucaarad, wuxuuna hadalahadaas ku tilmaamay inay yihiin kuwa been abuur, wuxuuna ujeedkooda ku sheegay inuu yahay sidii dalka looga gudbin lahaa nidaamka  4.5  loona gudbo nidaamka xisbiyada.

“Maadaama dalkan la rabo inuu horusocod, lagana gudbo nidaamka 4.5, waxaa rabnaa inaan noqono xisbi dalkan ka dhisan, xildhibaan kastana waxaa laga rabaa in labo sano kaddib inuu xisbi ka tirsanaado”ayuu yiri.

Wuxuu intaas ku daray inay cid kasta u banaan tahay inuu kusoo biiro madasha Horusocod “ cid kasta oo dooneyso inay kusoo biirto Horusocod way u furan tahay” ayuu yiri.

- Advertisement -

Read more

Local News