Sawiroi: Gaas oo markaan loo diiday inuu ciidamo hubeysan lasoo dhex maro garoonka Adan Adde!

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiweli Cali Gaas iyo wafdi uu hoggaaminayey ayaa maanta kasoo dagay garoonka diyaaradaha Aadan Adde International Airport.

Wafidgan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyey Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Cabdi Faarax Juxa iyo Xildhibaan kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Safarka uu Cabdiweli Gaas ku imaaday Magaalada Muqdisho ayaa ahaa mid ka duwan safaradii hore oo laga diiwaan geliyey waxyabo aan sharci aheyn oo uu ku dhaqaaqi jiray intii ay jirtay dowladdii hore ee Xasan Shiikh Maxamuud.

Cabdiweli Gaas ayey caadadiisa aheyd inuu ciidamo ku hubeysan qoryaha fudud kala so dago garoonka diyaaradaha isla markaasna wuxuu lasoo dhex mariu jiray gudaha Garoonka, balse markaan waxaa dhacday arrin ka duwan midaas.

Cabdiweli Gaas ayaa loo diiday inuu Ciidamo hubeysan lasoo galo garoonka Diyaaradaha, midaas badalkeedana waxaa loo ogolaaday ciidamo aan hubeysneyn.

lama ogo ilaa hadda cidda sidaas ku amartay Cabdiweli Gaas iyo haddii uu isaga gartay inuu dabeecadii xumeyd iska dhaafay, balse midda cad ayaa ah inuu maanta jiray isbadal ku aadan Safarka ee Muqdisho.

Cabdiweli Gaas ayaa magaalada Muqdisho u imaaday inuu ka qeybgalo kulanka Madaxda Maamul Goboleedyada uga furmi doono Berri Magaalada Muqdishdo, kaasoo la sheegay in looga hadli doono arrimo ku aadan Shirka Soomaaliya uga furmayo Magaalada dhan oo ah wajigii labaad maadaama middii koowaad ay ka qeybgashay dowladdii Xasan Shiikh Maxamuud.